Hargeysa: Wacdarihii Degmada Gacan Libaax Ee Xuska 18 May

Hargeysa (AFtahanNews)  Arbacadii Shalay, waxa guud ahaan Gobollada iyo degmooyinka dalka laga xusay 31 guurada Madax-banaanida Jamhuuriyadda Somaliland, taasi oo sannad walba la qabto 18-ka bisha May.

Caasimadda Somaliland ee Hargeysa, oo ah halka Xafladda ugu weyni ka dhacday, ayaa waxa door laxaadle ka qaatay Dabbaal-deggaasi Degmada Gacan Libaax oo ka mid ah Degmooyinka Caasimadda Hargeysa.

Maamulka Degmada Gacan Libaax oo gacan ka helaya Dadka degmadaasi, ayaa Fagaarihii weynaa ee lagu qabtay Xuska 18 May ee 31 guurada Madax-banaanida Somaliland, waxay ku soo bandhigeen doorkooda xuska 18 May, waxaana Fagaaraha si weyn u qabsaday Haween matalayey Degmada Gacan Libaax, kuwaasi oo ku lebisnaa dharka Hidda iyo dhaqanka Somaliland, iyo dhar ka samaysan Calanka saddexda Midab ah ee Jamhuuriyadda Somaliland, taasi oo soo jiidatay guud ahaan Dadkii fadhiyey Madasha uu ka dhacay Xuska 18 May, 2022.

Waxa kale oo Xusid mudan in Dadka Degmada Gacan Libaax ku matalayey Fagaaraha uu ka dhacay xuska 18 May ay halkaa ku soo bandhigeen Libaax rabbaysan, kaasi oo lagu siday Shabag loogu Talo-galay, arrintaasi oo soo jiidatay guud ahaan Dadkii joogay Fagaaraha, sida Madaxda Qaranka, Warbaahinta iyo Dadkii Xafladda kala socday Warbaahinta.

Waxa kale oo aad Dadka u soo jiitay Hooyooyin qaarkood Kaariyoone ku riixayeen Haanta lagu lu’lo Caanaha, taasi oo dusha ka saartay ama ugu lebistay Calanka Jamhuuriyadda Somaliland, taasi oo muujisay in aan Dadweynaha Degmada Gacan Libaax u kala hadhin inay muujiyaan doorkooda xuska 18-ka May, maaddaama oo ay degmooyinka Caasimadda Hargeysa iyo kuwo kale ee dalku ku tartamayeen sida ay uga qayb-qaadanayaan Xuska 18-ka May ee ku beegan 31 Guurada Madax-banaanida Jamhuuriyadda Somaliland.

Gacan Libaax oo ka mid ah Degmooyinka ugu da’da weyn Degmooyinka Hargeysa, ayaa Dadweynaha ku nool iyo Maamulkeeda Dawladda Hoose lagu bogaadiyey sida ay uga qayb-qaateen xuska 18-ka May.