Magaalada Muqdisho oo Bandow lagu soo rogay

Magaalada Muqdisho

Muqdisho (Aftahanews)- Booliska magaalada Muqdisho, ayaa bandow ku soo rogaya magaalada Muqdisho, kaas oo ka bilaabanaya 9:00 fiidnimo ee caawa, ka hor doorashada madaxweynaha Soomaaliya oo dhacaysa Axada berri ah, waxaana Bandowgu uu socon doona ilaa lixda subaxnimo ee Isniinta.

Tallaabadan, ayuu afhayeenka ciidanka booliska Soomaaliya Gaashanle Cabdifitaax Aadan Xasan ku sheegay in ay tahay mid amni. “Waxaa lagama maarmaan noqotay in la sugo ammaanka guud ee dalka xilliga lagu jiro doorashada madaxweynaha” ayuu yidhi Gaashanle Cabdifitaax.

Waxa uu sheegay in la hakin doono dhammaan dadka iyo gaadiidka xilliga lagu jiro bandowga, wuxuuna sheegay in haddii dadweynaha ay la soo gudboonaadan xaalado deg-deg ah inay la soo xidhiidhi karaan booliska, si ay u caawiyaan.

Magaalada Muqdisho, waxaa ka socda saacadihii ugu dambeeyay ee ololaha doorashada Soomaaliya, iyada oo musharaxiinta, xildhibaannada iyo madaxda maamul goboleedyada ay u socdaan kulamo la xidhiidha codbixinta madaxweynaha 10-aad ee Soomaaliya.

Axda berri ah, oo ku beegan 15-ka May, ayaa la filayaa in doorashada madaxweynaha Soomaaliya ay ka dhacdo teendhada Afisyooni ee magaalada Muqdisho, waxaana doorashadan tartankeeda iska diiwangeliyay 39 musharax.