Shir Taariikhi ah oo dhexmaray Israa’iil, Dalalka Carabta iyo Maraykanka

Srael (aftahannews):- Wasiirka Arrimaha Dibadda ee Israa’iil, ayaa sheegay in haddii la sii hagaajiyo xiriirka ay la leeyihiin waddamada saaxiibka la ah ee ka tirsan Ururka Jaamacadda ay heli doonaan “xalka kaliya” ee ka caawin kara in ay ka guuleystaan khatarta uga imaan karta Iiraan.

Waxa uu wasiirku hadalkan jeediyay kaddib markii Israa’iil lagu qabtay shirkii ugu horreeyay ee ay isugu imaadaan diblomaasiyiinta sar sare ee Jaamacadda Carabta iyo Mareykanka.

Saddex ka mid ah waddamada ku bahoobay Ururka dalalka Carbeed – oo kala ah Isu tagga Imaaraadka Carabta, Baxreyn iyo Morocco – ayaa xiriir la sameystay Israa’iil sanadkii 2020-kii, horayna wax xiriir ah uma aysan lahayn.

Wasiirrada Arrimaha Dibadda ayaa ballan qaaday in ay sii wadi doonaan horumarinta xiriirkooda saaxiibtinnimo.

Diblomaasiyiinta Jaamacadda Carabta, oo ay wehliyaan Xog hayaha Arrimaha Dibadda ee Mareykanka, Anthony Blinken, iyo Wasiirka Arrimaha Dibadda ee Masar, ayaa sidoo kale isku waafaqay in ay taageeraan hannaanka nabadeed ee la doonayo in xal loogu helo dagaalka u dhaxeeya Israa’iil iyo Falastiin.

Dhammaantood waxa ay taageersan yihiin in la dhiso dowlad madax bannaan oo ay Falastiiniyiintu leeyihiin oo ka barbar dhisan Israa’iil, arrintaas oo uu Ra’iisul Wasaaraha Israa’iil, Naftali Bennett, meesha ka saaray.

Dhanka kale, Wasaaradda Arrimaha Dibadda ee Falastiiniyiinta ayaa shirkan ku tilmaantay “weerar culus oo ka dhan ah dadka reer Falastiin”, inkastoo aysan si toos ah u eedeynin waddamada Jaamacadda Carabta ee ka qayb galay kulanka, sida uu tebiyay wargeys kasoo baxa gudaha Israa’iil.

Xilli ay wasiirradu habeenkii Axadda ku kulansanaayeen hoteel ku yaalla goobta nasashada Negev ee ku taalla Israa’iil, ayay nin oo Carabta Israa’iil ah oo hubeysan weerar ka geysteen magaalada Hadera ee dhacda waqooyiga Israa’iil. Kooxda Dowladda Islaamiga ah ayaa sheegatay in ay mas’uul ka tahay weerarkaas.

Wasiirrada Arrimaha Dibadda ayaa cambaareeyay weerarka oo lagu dilay askar ka tirsan ciidanka Israa’iil. Morocco ayaa shegetay in shirka uu ahaa “jawaabta ugu habboon” ee laga bixin karo weerarrada noocaas ah.

Kaddib shirkaas oo soo dhammaaday subaxnimadii Isniinta, Wasiirka Arrimaha Dibadda ee Israa’iil, Yair Lapid, ayaa sheegay in ergadu ay isku afgarteen in kulankaas uu noqdo “shir joogto ah”.

“Waxa aan halkaas ku sameyneyno wuxuu galayaa taariikhda, waxaa la dhisayaa xiriir ka dhaxeeya gobolka oo ah dhanka horumarka, tiknoolojiyadda, dulqaadka gobolka, amniga iyo wadashaqeynta sirdoonka.

“Habkan isla wadaagidda awoodda ah waxaan ku dhiseynaa cudud meesha ka saari karta cadowga naga dhaxeeya, oo ay ugu horreyso uguna weyn tahay Iiraan oo ay wehliyaan ururrada taageersan.”

Dhinaca kale, Boqorka Urdun, Abdullah II, ayaa maanta oo Isniin ah magaalada Ramallah ee ku taalla Daanta Galbeed ku booqday Ra’iisul Wasaaraha Falastiin, Maxamuud Cabaas, waana markii ugu horreysay ee ay arrintaasi dhacdo tan iyo sanadkii 2017-kii.

Mr Blinken ayaa sidoo kale Axaddii wadahadal la yeeshay Mr Cabaas, isagoo u sheegay sida uu u taageersan yahay in la dhiso labo dowladood oo xal u noqda dagaalka u dhaxeeya Israa’iil Falastiin. Waxaa kale oo uu u sheegay in sare loo qaadayo dhaqaalaha la siiyo Falastiiniyiinta.

Galinkii hore ee isla maalintaasna, Mr Blinken waxa uu magaalada Qudus kula kulmay Ra’iisul Wasaare Bennett. Afhayeenka Mr Bennett ayaa markaas kaddib sheegay in Ra’iisul Wasaaraha uu ku dhacay Fayraska corona.

Kooxda IS ayaa sheegatay weerar markii labaad Israa'iil ka dhacay dhowr maalmood gudahood

XIGASHADA SAWIRKA,AFP/GETTY IMAGES

Qoraalka sawirka,Kooxda IS ayaa sheegatay weerar markii labaad Israa’iil ka dhacay dhowr maalmood gudahood

Kulanka wadahadalka ah ee dhex maray Israa’iil iyo Mareykanka ayaa dhacay xilli ay sii kordheyso cabsida ay Israa’iil ka qabto sida uu Mareykanku qarka ugu saaran yahay in uu heshiis la saxiixdo Iiraan, si ay Tehran u joojiso bacriminta nuclear-ka taas baddalkeedana uu Mareykanku uga qaado cunaqabateynta.

Waxa ay sidoo kale Israa’iil ka walaacsan tahay in Mareykanku uu liiska argagixisada ka saaro Ciidanka ilaalada kacaanka Iiraan ee awoodda badan, taasoo qayb ka noqon karta heshiiska cusub ee ku saabsan nuclear-ka.

Madaxweynihii hore ee Mareykanka, Donald Trump, ayaa ka baxay heshiis ay Mareykanka iyo Iiraan wada galeen sanadkii 2015-kii, waxa uuna dib usoo celiyay cunaqabateyntii saarneyd Iiraan.

Xigasho BBCSOMALI.COM.