Canada oo Mustaafurinaysa 157 Soomaali ah

Ottawa (Aftahannews)- Dowladda Canada, ayaa la sheegay inay qorsheyneyso musaafurinta dhallinyaro Soomaali ah oo dalkaasi ku tagay siyaabo kala duwan.

Dhalintan Soomaalida ah oo Arrinta u weyn ee ay wajahayaan, ayaa ah inay dalkaas ku galeen baasaboor Kenyan ah, waxayna Saraakiisha dowladda Canada ku doodayaan in dhalinyartaasi ay yihiin Kenyan.

Maryan Axmed Maxamuud (Maryan Qoorweyne) oo ka shaqeysa arrimaha bulshada, kana mid ah dadka u doodaya dhallinyaradan, ayaa sheegtay in dhalinyartan siyaabo kala duwan u soo galeen dalkaas, qaarkoodna ay halis u soo galiyeen naftooda sidii ay u soo gaadhi lahaayeen Canada.

“Waxay leeyihiin waxaa tihiin Kenyan way qaldan tahay dhalashadiina. Qaar ayaa aad u dadaalay oo baasaboor Soomaali iyo markhaatiyaal keenay, weli dowladda waxay leedahay Id-gii hore ee ku soo gasheen ayaa tixgelineyna oo Soomaali ma tihiin waxaa tihiin Kenyan, waana idin dhoofinaynaa,” ayay tidhi.

“Dhalinyartan waxaa jira kuwa aan diyaarad arkin oo doon ku yimid Canada, oo soo arkay marxalado kala duwan oo soo dhibtooday. Inta ayay yimaadeen nolol ayay sameysteen oo sharci ayay heleen wixii oo dhan ayaa laga qaaday.”

Waxay sidoo kale ay sheegtay in cudur maskaxda ah qaadeen qaar kamid ah dhalinyartan ay musaafurinayso dowladda Canada, kadib markii lagu wargeliyay arrintan, qarkana u saaran yihiin inay is-dilaan, sida ay sheegtay.

Maryan, ayaa sheegtay inay dadaal badan ugu jiraan sidii dib looga laaban lahaa qorshaha Canada ay ku musaafurinayso dhalinyaradan Soomaalida ah ee loo haysto inay ka been abuureen dhalashadooda.

Lama oga tirada rasmiga ah ee dowladda Canada ay qorsheyneyso inay musaafuriso, hase-yeeshee wakaaladda xudduudaha Canada waxay sheegtay inay gaadhayaan 157 qof, halka dadka u doodaya dhallinyaradan ay rumeysan yihiin inay gaadhayaan boqollaal qof.