Soomaaliya iyo Maraykanka oo ka Wadahadlay dhammaystirka doorashada

Muqdisho (aftahannews):- Raysal-wasaaraha Soomaaliya Maxamed Xuseen Rooble iyo Safiirka dowladda Mareykanka ee Soomaaliya Larry Andre oo maanta magaalada Muqdishu kulan ku yeeshay, ayaa ka wadda-hadlay arrimaha doorashooyinka dalka iyo siday u socdaan.

Safiir Larry Andre iyo Rooble, ayaa isla soo qaaday siday lagama-maarmaan u tahay in doorashada Xildhibaannada Golaha Shacabka lagu soo gebo-gabeeyo 15-ka bisha Maarso oo ah xilligii ay dhawaan ku heshiiyeen madaxda Golaha Wada-tashiga Qaranka.

Tirada Mudaneyaasha illaa iyo hadda la doortay, ayaa ah 80%kiiba Xildhibaannada Golaha Shacabka, waxaanu Ra’iisul-wasaare Rooble soo dhoweeyay xowliga ay ku socoto doorashadu.

Inkasta oo falanqeeyayaasha siyaasaddu ay ku doodayaan inaan doorashada lagu soo gebo-gabeyn karin 15-ka bishan March oo loo muddeeyey markii lagu dhammeyn kari waayey 25-kii February 2022 oo jadwalkii Shirkii Madasha Wadatashiga ee Muqdisho lagu go’aamiyey.

Raysal-wasaaraha Xukuumadda  Soomaaliya Maxamed Xuseen Rooble, ayaa ka codsaday Madaxweyneyaasha dowlad-goboleedyadu inay doorashada soo dhammaystiraan ugu dambeyn 15-ka Maarso sidii hore loogu heshiiyay.

Safiirka dowladda Mareykanka ee Soomaaliya, ayaa geestiisa sheegay in ay la dhacsanyihiin hoggaaminta Raysal-wasaare Rooble ee hannaanka doorashada, isaga oo ugu baaqay madaxda Maamul-goboleedyada in doorashada la soo gabo-gabeeyo 15-ka March si shacabka Soomaaliyeed ay u helaan matalaad. Haseyeeshee, waxa uu Safiirku sheegay in ay ka walaacsanyihiin in dib-u-dhac kale oo ku yimaadda jadwalka doorashada uu dhaawici karo dalka Soomaaliya.
Horraantii bishii hore wasaaradda arrimaha dibedda ee Mareykanka, ayaa sheegtay in Mareykanku uu xayiraad dhanka socdaalka ah kusoo rogay shakhsiyaad Soomaali ah, kuwaas oo la aamminsan yahay inay mas’uul ka yihiin, ama ku hawlan yihiin, wiiqista geeddi-socodka Dimuqraadiyadda Soomaaliya.