Madaxweyne Biixi oo Sheegay in Somaliland Cashar u dhigi doonto Soomaaliya hadday soo Weerarto

Hargeysa (aftahannews):- Madaxweynaha Somaliland Muuse Biixi Cabdi, ayaa todobaad gudihii markale, ka hadlay haddii ay ka fursan weydo inay dagaal Soomaaliya ku soo qaaddo, ay Ciidammada Somaliland cashar u dhigi doonaan Soomaaliya.

Madaxweynaha oo ka hadlayay Munaasibad loo sameeyeyay qalinjebinta Saraakiil ciidan, ayaa sheegay inay Somaliland iska difaaci doonto dagaal kaga yimaadda Soomaaliya, haddii dowlada Soomaaliya ay dagaal ka fursan waydo.

“Cidna dagaal ku bilaabi mayno, qolo halkan ah oo aad innooga soo horjeeda haddii ay dagaal ka maarmi waayaanna, casharkii aynu Aabbayaashood u dhignay mid la mid ah ayaynu u dhigi doonnaa haddii Alle yidhaahdo.” Sidaa ayuu yidhi Maxweynaha Somaliland Muuse Biixi.

Waa markii labaad ee uu Madaxweyne Biixi ka hadlo dagaal ka yimaadda dhinaca Soomaliya todbobaad gudihii. Hadalka Madaxweynaha, ayaa yimid ka dib markii Safiirka Soomaliya u fadhiya China, uu sheegay in Somaliland ay cawaaqib-xumo kala kulmi doonto xidhiidhka ay la leedahay Taiwan.

Dowladaha Soomaaliya iyo Shiinaha, ayaa si weyn uga cadhooday xidhiidhka dublamaasiyadeed ee ay yeesheen dalalka isku qaddiyadda ah ee Somaliland iyo Taiwan oo labaduba aan aqoonsi buuxa dunida ka helin, balse ay ka go’een Soomaaliya iyo Shiinaha oo aan weli ka hadhin ee sheeganaya inay Taiwan iyo Somaliland ka mid yihiin China iyo Soomaaliya.