Djibouti: Xeer-ilaalinta oo Shaacisey in Balaayiin Lacag ah oo la lunsaday Dad loo xidhxidhay

Djibouti (aftahannews):- Xeer-ilaaliyaha guud ee Jamahuuriyadda DJibouti, ayaa sheegay in xisaab hubin la sameeyey lagu helay in lacag balaayin franc ah lagu lunsaday heshiis khiyaano ku dhisan oo dhex-maray Saraakiil ka tirsan Wasaaradda Miisaaniyadda iyo Ganacsato.

Warbixin uu soo saaray Xeer-ilaaliyaha guud, ayaa lagu sheegay; β€œin Wasaaradda Miisaaniyaddu ay lunsatay hanti dadweyne oo loogu dhiibay inay ku daboosho kharashaadka dowladda, ayada oo caddad aad u badan ku bixineysa adeegyo u muuqda kuwo been abuur ah oo aan jirin.”

Warbixinta, ayaa lagu sheegay in lacagtan lagu lunsaday qalab iyo alaabo aan loo baahneyn oo si soo noqnoqsho leh looga dalbay shirkad, taasi oo lagu sheegay in dib u dhis loogu sameynayo dhismaha wasaaradda, iyo qalabyo kale oo ay ka mid yihiin kuwa xafiisyada, computero iyo agab kale, oo qiimahoodu gaarayo balaayiin franc.”

Xeer-ilaaliyaha ayaa sheegay in la xiray laba mas’uul oo ka tirsan Wasaaradda Miisaaniyadda iyo wasiir hore.

Waxa uu sidoo kale sheegay in la xiray qaar ka mid ah ganacsatada ku lugta laheyd lunsashada iyo xubno kale oo baaritaanka uu soo galay.

Sida uu sheegay Xeer-ilaaliyaha guud, baadhitaanka ayaa xaqiijiyey inuu jiray heshiis khiyaano ku dhisan oo dhex-maray qaar ka mid ah ganacsatada iyo saraakiil ka tirsan Wasaaradda Miisaaniyadda Djibouti, kaas oo lagu lunsaday Balaayin franc oo hantida qaranka ah.

Xeer-ilaaliyaha, ayaa intaas ku daray in dhowr ka mid ah ganacsatada ay qirteen eedaha loo jeediyey islamarkaana ay soo celiyeen qaar ka mid ah lacagtii ay sida sharci-darrada ah u qaateen.

Baadhitaanka, ayaa sii socon doona, sida uu sheegay Xeer-ilaaliyahuhu, isla markaana dadka ku lugta leh loo gudbin doono xafiiska dacwad-oogaha guud, si cadaaladda loo mariyo.

Dadka la xidhay iyo dhammaan kuwa la eedeeyey ayaan si deg deg ah looga helin karin jawaab ku aadan eedda loo jeediyey.