Dagaallo hor leh oo ka dhacay Ethiopia oo Barakac badan sababay

Ethiopia (aftahannews)- Dagaallo dad badani ku dhinteen ayaa ka socda deegaanka Binshangul Gumuz ee waddanka Itoobiya, halkaas oo ay Hay’adaha gargaarku ka digayaan musiibo binu-aadanimo oo ka dhalata dad tiro badan oo ku barokacaya deegaankaas.

Hay’adda Qaramada Midoobay u qaabilsan Qaxootiga ee UNHCR ayaa sheegtay in in ka badan 20,000 oo Qaxooti ah ay ka carareen dagaallo u dhexeeya jabhado hubaysan iyo ciidamada Federaalka.

Warbixin ay soo saartay UNHCR ayaa waxa lagu sheegay, in dadka kasoo qaxay dagaalladu ay soo galeen safar dheer, lana dejiyey saddex meelood oo ku dhow caasimadda deegaanka Benishangul Gumuz ee Assosa.

Xero u dhow magaalada Assosa ayaa warbixinta lagu sheegay in ay ku sugan yihiin ku dhowaad 10,300 oo qaxooti ah oo laga bililiqaystay wixii ay hanti haysteen markii uu dagaalku ku qabsaday magaalada Togo 18kii bishii January, taas oo keentay inay soo qaxaan. Waxa kale oo warbixinta lagu sheegay, in xero kale ay ku jiraan qaxooti tiradoodu dhaafayso 22,000 qof oo bishii December la dejiyey halkaas.

Meelaha ugu badan ee ay dadku kasoo carareen ayaa ah Tongo iyo Gure-Shembola oo aanay wali macquul ahayn in la gaadho dadka kale ee ku dhibaataysan.

Deegaanka Benishangul Gumuz waxa ayaa waxa uu hoy u yahay oo uu martigeliyey in ka badan 70,000 oo Qaxooti Sudan ah iyo Koonfurta Suudaan ah iyo in sidoo kale in ka badan 500,000 oo Itoobiyaan ah oo gudaha dalka ku barokacay.

Hay’adda Qaramada Midoobay u qaabbilsan Qaxootiga ee UNHCR waxay ku sheegtay xaaladda ay dadkaasi ku sugnaayeen tan iyo bishii December ee dhammaadka sannadkii hore, mid adag.

Warbixintu waxay xustay in saddex xero oo kale oo qaxooti ah oo ku yaalla deegaanka Benishangul Gumuz oo kala ah Bambasi, Sherkole iyo Sore ay yihiin kuwo ay si fiican loo gaadhsiin karo gargaarka oo dhammaan adeegyada halkaas ka jirana ay shaqaynayaan.