Xiisadda Mali iyo Faransiiska oo ka sii Dartay

Paris (Aftahannews)- Xiisadaha ka dhex oogan Mali iyo dalkii hore u gumeysan jiray ee Faransiiska, ayaa waxaa uu gaadhay meeshii ugu xumayd abid.

Dowladda militariga ee Mali ayaa ilaa iyo Khamiista berri ah u qabatay safiirka Faransiiska ee dalkaasi inuu halkaasi isaga baxo.

Dowladda Mali, ayaa ka cadhootay hadallo ka soo baxay xubno ka tirsan dowladda Faransiiska oo ay ku qeexday kuwa “cadowtinimo leh.”

Annie Risemberg, ayaa wax ka weydiisay falanqeeyayaasha siyaasadda gobolka halka uu ku wajahanyahay xidhiidhka labadan waddan.