Shirkadda Isgaadhsiinta Ethio Telecom oo soo Bandhigtay Dakhligii ay Faa’iidday 2020-kii

Addis Ababa (aftahannews):- Shirkadda Isgaadhsiinta Itoobiya ee Ethio Telecom ayaa soo bandhigtay dakhligii soo galay lixdii bilood ee ugu dambeeyey sannadkii hore ee 2021, kaas oo muujinaya korodh ka badan intii uu ahaa dakhligii usoo xerooday lixdii bilood ee ka horreeyey ee isla sannadkii tegay.

Ethio Telecom waxay sheegtay in intii u dhaxaysay bilihii July illa December ee sannadkii 2021, inay usoo xerootay lacag gaadhaysa 28 Bilyan oo birr oo uga timid hadalka telefoonnada iyo Internetka.

Firehiwot Tamru shirkadda isgaadhsiinta Itoobiya ee Ethio Telecom oo warbaahinta kula hadashay magaalada Addis Ababa,  ayaa sheegtay  in shirkaddu ay waddo mashaariico iyo hawlo kale oo lagu ballaadhinayo kaabeyaasha iyo nidaamyada istaadhsiinta sida kor u qaadista tayada adeegyada ay bixiyaan iyo kordhinta meelaha ay shirkaddu adeegyadeeda isgaadhsiinta ka bixiso, si bulshadu uga faa’iidaysato.

Madaxa shirkadda Isgaadhsiinta Itoobiya, waxa kale oo uu sheegay, in 28ka Bilyan ee Birr ee usoo xerooday lixdii bilood ee tagtay, in ay ka dhigan tahay in ay heleen 86.4% dakhligii ay qorshaysteen inay soo xareeyaan.

Marka la barbar-dhigo dakhligii soo galay shirkadda Ethio Telecom waqtigan oo kale sannadkii hore, waxay samaysay korodh gaadhaya 6.7%, sida uu saxaafadda u sheegay Frehiwot.

“Guushan waxaa lagu xaqiijiyey iyada oo loo marayo hagaajinta shabakada shaqada si kor loogu qaado khibradda macaamiisha iyo qanacsanaanta.” ayey tidhi Frehiwot.

Waxa kale oo uu madaxa shirkaddu sheegtay, in adeegyada kale ee ay bixiyaan ay ka heleen 74.8 milyan oo dollarka Maraykanka oo uga timid ganacsiyo caalami ah, taas oo sida uu hadalka u dhigay ah 89.3% hiigsigoodii.