Raysal-wasaaraha Itoobiya oo Shaaciyey inuu Kursiga Bannaynayo iyo Sababta

Addis Ababa (aftahannews):- Raysal-wasaaraha Itoobiya Abiye Ahmed, ayaa markii ugu horreysay sheegay inuu bannaanaynayo kursiga haddii badbaadada Dalka Itoobiya ku jirto.

Hadalkan Abiye, ayaa yimi ka dib cadaadis diblomaasiyadeed oo kaga yimid beesha caalamka iyo xurguf ka dhex dhalatay isaga iyo xulafashadiisa Axmaarada.

Ra’iisal-wasaaraha oo sannadkii ugu dambeeyey uu saarnaa culays siyaasadeed oo uu xuddun u ahaa dagaalka uu kula jiro xoogagga Tigrayga, siyaasiyiintii uu xidhay iyo tacaddiyadii ka dhacay dalka, ayaa waxa hadda uu waajahayaa mucaaradad kaga imanaysa siyaasiyiinta Axmaarada ee uu dhinaca saaray markii uu xilka qabtay iyo sidoo kale, Oromada oo iyaguna ka soo horjeeda siduu wax u wado.

Maalintii shalay Abiye Ahmed, wuxuu qurba joogta la qaatay kulan shan saac socday oo aan inta badan warbaahinta laga baahin, su’aallo baddan oo xaallada dalka la xidhiidhana oo lagu weydiiyeyna badi wuu kaga jawaabay.

Dhulka muranku ka taagan yahay ee Tigreega iyo Axmarada isku haystaan mar wax laga waydiiyay, wuxuu Raysal-wasaare Abiye ku jawaabay: “Dhulkaas Xoog-baa lagu qaataye aan ku qaadanno xal ma noqonayso. Waayo, hadhow dagaal kale ayay waddada u xaadhaysaa. Hase-yeeshee, Wadatashiga Qaran ee dhawaan qabsoomaya, ayaa xal ka gaadhi doona, Sifo sharciga waafaqsan.”

Mar kale oo wax laga weydiiyay qul-qulatooyinka maalmahan alloosan ee calanka la xidhiidha, Abiye Ahmed wuxuu sheegay in arrintan iyo kuwo kale oo badan oo la xidhiidha go’aan lagaga gaadhi doono wadatashiga Qaran ee dhawaan qabsoomi doono.

Abiye Ahmed,oo go’aankii siidaynta maxaabista Tigrayga dadka ka cadhooday ka hadlayay, ayaa sheegay inay jiraan arrimo badan oo aan bannaanka la keeni karin, waxaanu tusaale u soo qaatay in la doonayey in Itoobiya laga wareejiyo Xarunta Midawga Afrika, balse go’aankaasi fashiliyay arrimaas iyo kuwo kale.

Abiye Ahmed, wuxuu aad ugu dheeraday ahmiyada wada-tashiga dhawaan dhacayaa leeyahay, kaas oo loo xilsaaray Guddi amma Komishan heer Qaran ah, isagoo xusay in lagu xallin doono caqabado badan oo dalka ka alloosan. “Waxkasta oo ay xal u arkaan guddigaaas Wadatashiga Qaran diyaar ayaannu u nahay, xitaa haddii xil ka tagistayda xalku ku jiro,waan bannaynayaa booskan (Raysal-wasaaraha Itoobiya).”

Hadalka oo miisaan weyn leh, ayaa loo arkaa inay Raysal-wasaare Abiye ka keeneen dhawr arrimood, kuwaas oo kala ah, culaysyada diblamaasiyadeed ee waddamada dibedda iyo saaxiibbada Itoobiya kaga imanaya, fidista dagaalka TPLF ee kaga daba-dheeraaday intuu fulayey inuu ku soo afjari doono, iyo sidoo kale cadaadisyada hadda ka soo food-saaraya dhinacyada Axmaarada iyo Oromada oo ahaa labada Quwadood ee uu isku hallaynayey oo hadda u muuqda ku aan ku qanacsanayn hoggaamintiisa iyo siduu wax u wado.

Waxa kale, Dadka siyaasadda falanqeeya, qaarkood ku doodayaan amma tilmaamayaan in loo fasiran karo hadalka Raysal-wasaaraha inuu uga dan leeyahay arrimo siyaasadeed oo uu isu dhul-dhigayo inaan lagula xisaabtamin tacaddiyada kala duwan ee dalka ka dhacay intuu socday dagaalka Waqooyiga Itoobiya iyo inuu muujiyo kalsooni ah