Madaxweyne Biixi Oo Ka Hadlay Mowqif Xiisadaha Ka Taagan Gobolka Iyo Loolanka Carabta

Filed under: Wararka |

Hargeysa, (Aftahannews)-Madaxweynaha Somaliland Md Muuse Biixi Cabdi, ayaa sheegay in xukuumaddiisu go’aan ku gaadhay inay dhex-dhexaad ka noqoto Xiisadaha colaadeed iyo siyaasadeed ee ka taagan manqadda Geeska Afrika iyo sidoo kale loolanka awoodeed u dhexeeya waddamada Carabta.
Madaxweyne Muuse Biixi waxa uu sidan ka sheegay munaasibadda Qalin-jabinta 900 Arday oo dhammaystay waxbarashada kulliyadaha kala duwan ee Jaamacadda Camuud, kuwaas oo noqonaya dufcaddii 20aad ka baxda Jaamacadda tan iyo markii Somaliland dib ula soo noqotay madax-bannaanideeda.

You must be logged in to post a comment Login