“Aniga Waa ii Guul, Doorashada Shir-guddoonka Golaha Wakiilladu…” Xirsi Cali Xaaji Xasan

Hargeysa (Aftahannews) – Hoggaamiyaha Xisbiga mucaaradka ee Waddani Xirsi Xaaji Cali Xasan, ayaa ka hadlay dareenkiisa ku waajahan Shir-guddoonka Golaha Wakiilada ee Shalay la doortay, waxaanu tilmaamay inuu aad ugu faraxsanyahay in isbahaysiga Mucaaradku laba xubnood ku guulaystaan,waxaanu si gaar ah ugu xog warramay aqoonta uu u leeyahay Guddoomiyaha cusub ee Golaha Wakiilada Cabdirisaaq Khaliif Axmed.

Hoggaamiyaha Xisbiga Waddani Xirsi Xaaji Cali Xasan oo arrimahaa ka hadlayaana wuxuu yidhi “Dareenkayagu aad buu u sareeyaa, aad baan u faraxsan nahay, waxaan ku faraxsan nahay inay Somaliland u soo baxeen Xubnihii isbahaysiga ee Mucaaradku ugu talo galay oo laba Xubnood ku guulaysteen, inay Guddoomiyihii ama Afhayeenkii ku guulaysteen, waxaan ku faraxsan nahay in Xisbi ahaan iyo Mucaarad ahaan inay helaan Xisbiyada mucaaradku intaas aan ku sheegayo, mar saddexaad waxaan ku farax sanahay saaxiibaday oo aan wadey inay ku guulaysteen, Somaliland waa u guul, Xisbiyada Mucaaradka waa u guul, anigana waa ii guul”.

Mar wax laga weydiiyey Guddoomiyaha cusub ee Golaha Wakiillada wuxuu ku jawaabay “Cabdirisaaq waa saaxiibkay oo aanu wakhti dheer saaxiib ahayn, waa nin aqoonyahan ah, waa nin soo shaqeeyey, haddii ay tahay Ganacsiga, haddii ay tahay Siyaasadda, haddii ay tahay Bulshada guud, waa nin intaba ka soo shaqeeyey, firfircoon, deggan, akhlaaq leh, dad isku wad leh, edaab, akhlaaq iyo diinba aan ku aqaano, intii suurgal ahna wax ka qaban doono (Hawlaha Baarlamaanka), haddii ay tahay isku wadka, haddii ay tahay hoggaaminta, haddii ay tahay horumarka..”. ayuu yidhi.

Mar wax laga weydiiyey loolankii loogu jiray shir-guddoonka Wakiillada wuxuu ku jawaabay “Xafiiltanka Doorashadu waa wax iska caadiya oo waa lagu tartamaa, waa lagu qaybsamaa, sida uu Cabdirisaaq ka sheegay khudbaddii uu Golaha ka jeediyey inuu isku wadi doono wuu balanqaaday, iyo sidii ay Goluhu markii ay doorteen ugu sacbiyeen ayaan aaminsan nahay inuu Golihiina isku keeni doono, Doorashadii iyo xanafteedii intaas ayey ku dhammaatay, waxaan wada jir iyo wada socod ahayni ka dambayn maayaan..”