Madaxweyne Ku-xigeenkii hore ee Somaliland oo soo Jeediyey in la Sameeyo Xeer Xakameeya Madax-dhaqameedka

Hargeysa (Aftahannews) – Madaxweyne ku-xigeenkii hore Somaliland Axmed Yuusuf Yaasiin, ayaa Madax-dhaqameedka ugu baaqay inay ku ekaadaan xilka iyo masuuliyadda loo doortay, siyaasaddana aanay faraha la soo galin, waxaanu ku baaqay in la sameeyo xeer xakameeya.

Madaxweyne ku-xigeenkii hore Somaliland Axmed Yuusuf Yaasiin oo u warramay Wargeyska Geeska Afrika wuxuu sidoo kale ka hadlay Doorashadii Shir-guddoonka ee Shalay ka dhacday Xarunta Golaha Wakiilada, ee lagu doortay Shir guddoonka Golaha Wakiilllada ee cusub, waxaanu ugu horeyn yidhi “Inagu Somaliland ahaan waxaynu cid walba kaga horaynaa waa wax wada qabsashada, wada tashiga, isku duubnimada iyo isku tanaasulka, oo maanta Koonfurta (Soomaaliya) nidaam la’aanta iyo qorshe la’aanta ka taagan weynu aragnaa, halka inaga dalkeena uu nidaam dimuqraadiyad iyo wada tashi ka jiro, waxaa kale oo xusid mudan inaynu Doorashooyinkeena u qabsano si aad u wanaagsan, oo ah hal cod iyo hal qof ah, halka Soomaaliya aanay weli heerkaas gaadhin, sidaas darteed haddii aan u soo noqdo Doorashadii shalay ee Shir-guddoonka Golaha Wakiilada ee cusub, si fiican baa loo tartmaay, tartan wanaagsana wuu dhexmaray Musharrrixiintii kala duwanaa ee ku tartamayey Shir-guddoonka Wakiillada, sidaas awgeed ciddii ALLE u qoray ayaa Shir-guddoon noqotay, dhammaanteena weynu wada guulaysanay, masuuliyiinta Shir-guddoonka ku tartamayey ee waayey, waxaan leeyahay waad dedaasheen, balse calaf baydaan ku lahayn, Masuuliyiinta guulaystay ee Shir-guddoonka noqdayna waxaan leeyahay waa inaad isku waddaan Golaha, waana idiin ducaynayaa, waana idin hambalyeynayaa, dhammaan 82 mudane ee Golaha Wakiiladana waan hambalyeynayaa, waanan u ducaynayaa, mar haddii ay tartan hore soo galeen, oo hadda la dhaariyey, waa Xildhibaano Qaran, oo mar walba si daacadnimo ku jirto Ummaddiina ugu adeega, oo xilkiina si daacadnimo ku jirto u guta”.

Mar uu ka hadlayey Madax-dhaqameedka wuxuu yidhi “Wakhtigayagii aanu ahayn Golaha, Madax-dhaqameedka dalku aad bay u koobnayeen, balse hadda Madax-dhaqameedkii aad bay u bateen, runtiina anigoo ixtiraam iyo sharaf u haya Madax-dhaqameedka dalkeena, haddana Madax-dhaqameedku waa inay ku eekaadaan xilka iyo waajibka dhaqanka ee ay Reeraha u hayaan, mana aha inay hawlaha siyaasadda faraha la soo galaan oo ay mar walba ka hadlaan, imika 82 mudane waxay Wakiil ka yihiin ummaddii soo dooratay, oo Siyaasadda ayey ugu mataalan, markaas Madax-dhaqameedku dantooda ha ku eekaadaan, Goleyaasha Sharci-dejintana waxaan ka codsanayaa inay soo saaraan Xeer nimdaamiye xakameeya Madax-dhaqameedka, oo Wasaaradda Arrimaha Gudaha ayaa marka hore looga baahan yahay inay Xeerkan soo curiso, oo waliba ay iskugu yeedho Madax-dhaqameedka, kadibna u soo gudbiso Fulinta, kadibna ay Goleyaasha u soo gudbiso, sidaasna ay Goleyaashu ku ansixiyaan, haddii la soo saaro Xeerkaana waxaa hubaal ah in aanay jiri doonin Madax-dhaqameed ku hadla waxay doonaan, Waddanka Maleeshiya iyo Waddamo badan oo Caalamka ah ayaa Xeer nidaamiyahan leh, markaas Xeerkani faa’iido ayuu inoo yeelanayaa ee ha la sameeyo”