Kulan Dhexmaray Madaxda Golaha Wadatashiga Soomaaliya

Madaxda Golaha Wadatashiga Soomaaliya
Madaxda Golaha Wadatashiga Soomaaliya

Muqdisho (Aftahannews) – Kulankan oo Madaxda Golaha Wadatashiga Qaran Soomaaliya ku dhexmaray aalada fogaan araga madaxweynayaasha maamul goboleedyada, guddoomiyaha gobolka Banaadir iyo Raysal wasaaraha Soomaaliya, ayaa lagaga hadlay dardargelinta arrimaha doorashooyinka Soomaaliya.

Madaxda Golaha Wadatashiga Soomaaliya
Madaxda Golaha Wadatashiga Soomaaliya

Kulanka, ayaa Raysul wasaare Maxamed Xuseen Rooble waxa uu warbixin ka siiyay madaxda Madasha halka ay mareyso xallinta kala aragti duwanaanta hoggaanka guddiga maamulka doorashada gobollada Waqooyi ee Somaliland.

Afhayeenka Xukuumadda Soomaaliya Maxamed Ibraahin Macalimuu, ayaa bartiisa Facebook ku sheegay in kulanka madaxda wadatashiga qaran uu kus oo idlaaday jawi aad u wanaagsan.

“Golluhu waxa uu si buuxda u taageeray dadaalada Ra’isal wasaaraha ee lagu dhameystirayo dhismaha Guddoonka Guddiga Maamulka Doorashooyinka Somaliland oo Maanta uu Raysal wasaaruhu ku wargaliyay Xubnaha Gudigaas in ay si deg deg ah isaga dhex doortaan hogaankooda iyo waliba in la dardar geliyo howlaha doorashooyinka dalka” ayuu yidhi Macalimuu.

Kulankan, ayaa imanaya xili arrimaha doorashooyinka Aqlka Sare ay ka bilaawdeen qaar ka mid ah maamul goboleedyada Soomaaliya sida Jubbaland iyo Koonfur Galbeed oo qabtay qaar ka mid ah kuraasta Xildhibaanada Baarlamaanka Aqalka Sare ee Soomaaliya.