Galka Baarista: Xogtii u Dambaysay ee Ciidankii la Geeyay Eritrea iyo Qorshe ay Bilowday Dowladda Soomaaliya

Asmara (Afthannews)- Xog cusub, ayaa ka soo baxeysa dhalinyarada dowladda federaalka Soomaaliya ay tobabarka ciidan u geysay dalka Eritrea, kuwaasi oo muddooyinkii dambe hadal hayn iyo dood badan ka dhex abuuray bulshada Soomaalida.

Barnaamijka Galka Baarista, ayaa toddobaadkan markale diirada saaray ciidamadii Soomaaliya ee dowladda federaalka geysay Eritrea, iyada oo lagu wareystay dhalinyaro kale oo ka soo baxsaday dalkaas, kuwaasi oo ka waramay xaalado bini’aadanimo oo aad u xun oo ku qabsaday xeryihii lagu tobabarayey ee ay ku jireen.

Dhalinyarada ka soo baxsatay xeryaha lagu tobabaray ee Eritrea, ayaa qaarkood waxay sheegen inay qaban jireen shaqo ka baxsan midka ciidanimo oo aad u adag, halka kuwa kalena ku dhinteen shaqaaqo dhex-martay ciidamada Soomaaliya iyo kuwa Eritrea.

Sidoo kale, waxay dhalinyarada lagu wareystay barnaamijkan ay xuseen in markii hore ee la qaadayay loo sheegay in la geynayo Qatar, balse laga dejiyay caasimada dalka Eritrea, sida ay hore u sheegen dhalinyaro kal hore ka soo baxsaday xeryihii lagu tobabaray.

Barnaamijka Galka Baarista ee ka baxa idaacada VOA-da, ayaa sidoo kale shaaciyey in dowladda Soomaaliya ay qorsheyneyso in dhallinyaradaas dib loo soo celiyo, xili muddooyinkii dambe ay sare u kacday xiisada ka dhalatay arrinkaas.

Xogta uu helay Galka Baarista, ayaa sheegaysa in madaxda sarre ee dowladda federaalka ay qorsheynayaan in dhalinyarada hadda ku sugan dalka Eritrea ay dib ugu soo celiso dalka toddobaadyo gudahood, iyada oo ay xusid mudan tahay in aan wax jawaab ah laga heynin muddo labo billood ah guddi uu Ra’iisal wasaaraha Soomaaliya Maxamed Xuseen Rooble u xil saaray arrinta ciidamadaas.

Ciidamada ay dowladda Soomaaliya ka soo celinayso Eritrea, ayaa ka howl-gali doona maamul goboleedyada Koonfur Galbeed iyo Jubbaland, sida ay Galka Baarista u sheegen labo sarkaal oo ka tirsan dowladda Soomaaliya oo la qariyay shaqsiyadooda, maadama aan loo ogoleyn inay la hadlaan warbaahinta.