Xildhibaanada Golaha Wakiillada Somaliland oo Maanta Doortay Guddoon cusub

Hargeysa (Aftahannews) – Xildhibaanada cusub ee golaha Wakiillada Somaliland, ayaa maanta doortay guddoomiye cusub, kadib doorasho ka dhacday xarunta golahaasi ee magaalada Hargeysa.

Doorashadan oo ahayd mid xiiso leh, ayaa waxaa ku tartamay laba musharrax oo kala ahaa Yaasiin Xaaji Maxamuud Xiir (Faratoon) iyo Cabdirisaaq Khaliif Axmed.

Faratoon, ayaa metalayay xisbiga muxaafadka ah ee Kulmiye, halka Cabdirisaaq uu ka socday xisbiga mucaaradka ee Waddani, kaas oo ay guushu raacday.

Guddoomiyaha maxkamadda sare ee Somaliland oo shaaciyay natiijada, ayaa sheegay in Cabdirisaaq Khaliif uu helay 42 cod, halka Yaasiin Maxamuud Faratoon oo laga guuleystay uu helay 39 cod, waxaana sidaas guddoonka golaha Wakiillada ugu guuleystay Waddani.

Cabdirisaaq Khaliif, ayaa xilal kala duwan ka soo qabtay Somaliland, wuxuuna laba jeer soo noqday wasiir xilligii xukuumaddii Axmed Siilaanyo, isaga oo sidoo kale xisbiga Waddani ku biiray 2015-kii.

Sidoo kale, guddoomiye ku xigeenka koowaad waxaa ku guuleystay Siciid Mire Faarax oo metalaya xisbiga mucaaradka ah ee Ucid , wuxuuna helay 41 cod, halka musharraxii la tartamayey ee Cumar Jaamac uu helay 40 cod.

Guddoomiye ku xigeenka labaad waxaa sidoo kale kusoo baxay Cali Xaamud Jibriil oo isna metalaya xisbiga Ucid, isla-markaaana hekay 43 cod, halka Cabdinaasir Yuusuf Qodax oo laga guuleystay uu helay 38 cod, sida uu ku dhawaaqay guddoomiyaha maxkamadda sare.

Doorashadan, ayaa ahayd mid la wada sugayay, waxaana guushan ay xisbiyada mucaaradka u horseedeydaa inay  lalan adag la galaan xisbiga talada haya ee Kulimye.