Xukuumadda Somaliland oo ka Jawaabtay Arrinta Xildhibaankii sheegay in uu Afduub ka bad baday

Wasiir ku xigeenka Arrimaaha Gudaha Somaliland
Wasiir ku xigeenka Arrimaaha Gudaha Somaliland

Hargeysa (Aftahannews) – Wasiir ku xigeenka arrimaha gudaha Somaliland Cabdinaasir Caydiid Maxammed, ayaa sheegay in kadib baadhitaan ay sameeyeen xukuumadaha Somaliland iyo Itoobiya ay ku ogaadeen in anay waxba ka jirin cabashada xildhibaan Mustafe Axmed Cabdillaahi.

Wasiir ku xigeenka Arrimaaha Gudaha Somaliland
Wasiir ku xigeenka Arrimaaha Gudaha Somaliland

Wasiir ku xigeenka ayaa sheegay in marnaba xukuumada Somaliland anay ogolayn in shacabkeeda ama xildhibaanadeeda waddan kale lagu afduubo ama dhibaato loogu gaysto.

Wasiir ku xigeenka ayaa sheegay in kadib  baadhis ay kala shaqaysay dowlada Itoobiya oo ay  ku sameeyeen dhacdada uu ka cabanayo xildhibaan Mustafe ay ogaadeen in ay tahay arrin been abuur ah oo waxba kama jiraan ah.

Wasiir ku xigeenka ayaa ugu danbayntii sheegay in xildhibaan Mustafe laga rabo in uu xeer ilaalinta iyo ciidamada danbi-baadhista Somaliland kala shaqeeyo sidii looga sal gaadhi lahaa dhacdada isku dayga afduub ee uu ka cabanayo.

Xildhibaan Mustafe Axmed Cabdillaahi oo xisbiga Kulmiye uga soo baxay gobolka Sool, ayaa ku andacooday in uu ka bad baaday afduub ay u maleegtay xukuumada Somaliland oo adeegsanaysa xafiiska Somaliland ee Itoobiya iyo sirdoonka Itoobiya xili uu ku sugnaa magaalada Addis ababa.