Wasiir Maxamed Kaahin oo ka Sheekeeyay Qaabka loo soo Xuley Musharixiinta Shir-gudoonka Wakillada

Hargeysa (Aftahannews)- Wasiirka arrimaha gudaha Somaliland, Maxamed Kaahin Axmed, ahna Guddoomiye ku xigeenka koowaad ee xisbiga KULMIYE, ayaa waxaa uu ka sheekeeyay qaabka loo soo xuley Musharixiinta Shirgudoonka golaha Wakillada.

Wasiir Maxamed Kaahin Axmed, ayaa waxaa kale oo uu sharraxay shaqsiyadda Xildhibaan Yaasiin Xaaji Maxamuud Faratoon.

Waxana uu shaaciyey inay xisbi ahaan hore isula garteen guddoomiyenimadiisa, labada ku-xigeen ee xisbiga UCID kasoo baxay iyo xildhibaannada ay wataanna ku dhisayaan hammigooda.