Wasiir Siciid Sulub: “2005 Waxaan Jeclaa in Muxaafidku Guuleysto Maantana Waxaan Jecelahay……”

Hargeysa (Aftahannews)- Wasiirka Xannaanada Xoolaha iyo horumarinta Kalluumaysiga Somaliland, Siciid Sulub Maxamed, ayaa  soo dhaweeyey heshiiska cusub ee ay kala saxeexdeen Xisbiga KULMIYE iyo garabka xildhibaanada ee xisbiga UCID.

Wasiir Siciid Sulub, ayaa waxaa uu sheegay in saddexda xildhibaan ee loo xulay shirguddoonka golaha Wakiilladu yihiin rag shirraban oo lagu kalsoon yahay golahana hoggaamin kara.

Geesta kale, Wasiir Siciid Sulub, ayaa sheegay in 2005 uu jeclaa in Muxaafidku guuleysto, balse maanta uu Jecelyahay in Mucaaradku guuleysto.