Guddoomiye Cabdi Xaashi oo eedeyn u jeediyay Ra’iisal Waasare Rooble

Guddoomiyaha Aqalka Sare ee Federaalka Soomaaliya Cabdi Xaashi
Guddoomiyaha Aqalka Sare ee Federaalka Soomaaliya Cabdi Xaashi

Muqdisho (Aftahannews) – Guddoomiyaha aqalka sare ee Soomaaliya Cabdi Xaashi Cabdullaahi, ayaa ku eedeeyay ra’iisal wasaaraha Soomaaliya Maxamed Xuseen Rooble in aanu masuuliyad iska saarin xallinta khilaafka ka taagan doorashada labada aqal ee Xildhibaanada ka soo jeeda Somaliland.

Guddoomiyaha Aqalka Sare ee Federaalka Soomaaliya Cabdi Xaashi
Guddoomiyaha Aqalka Sare ee Federaalka Soomaaliya Cabdi Xaashi

War-saxaafadeed ka soo baxay guddoomiye aqalka sare ee Soomaaliya Cabdi Xaashi, ayaa lagaga warbixiyay caddaalad darrada iyo eexda uu sameeyey ra’iisal wasaaraha Soomaaliya Maxamed Xuseen Rooble uu kula saftay garabka Ra’iisal wasaare ku xigeenka Mahdi Maxamed Guuleed.

Guddoomiyaha aqalka sare ee Soomaaliya, ayaa sidoo kale sheegay in ra’iisal wasaaraha Soomaaliya looga fadhiyo midaynta guddiyada doorashooyinka ee xubnaha ka soo jeeda Somaliland oo khilaaf awgii u kala jabay laba garab.

Guddiga, ayaa sidoo kale ra’iisal wasaare Rooble ku eedeeyay inu ku guuldarestay inuu ficil ahaan uga dhabeeyo ballanqaadyadii uu sameeyay iyo gudashada masuuliyaddii lagu aaminay ee habsami u socodka howlaha doorashooyinka iyo tan xildhibaanada labada Gole ee ka soo jeeda Somaliland inay u dhacdo si xor iyo xalaal ah.

War saxaafadeedka, ayaa sidoo kale waxaa lagu soo bandhigay illaa dhowr talaabo oo uu Guddoomiyaha aqalka sare ee Soomaaliya Cabdi Xaashi uu qaaday si looga dhabeeyo heshiiskii 27 May lagu kala saxeexday Magaalada Muqdisho.