Xaaladda Dhoofka Xoolaha Somaliland iyo Saamaynta uu keenay Cudurka Noociisu ku Cusub yahay dalka

Filed under: Wararka |

Hargeysa (Aftahannews)- Wasiirka Wasaaradda Xanaanada Xoolaha iyo Horumarinta Kalluumaysiga Somaliland Siciid Sulub Maxamed iyo masuuliyiiin ka tirsan wasaraadda ayaa ka warbixiyey xaaladda dhoofka xoolaha ee Somaliland.

Masuuliyiinta u sarreysa Wasaaradda Xannaanada Xoolaha Somaliland oo maanta shir-jaraa’id ku qabtay xafiiskooda, waxa ay ka warbixiyeen cudur noociisu ku cusub yahay dalka oo ka mid ah xannuunnada ku dhaca Geella oo muddooyinkii u dambeeyey lagu arkay deegaagmo ka tirsan gobollada Somalilad.

Dr Cabdiqani Xaamud Cawaale oo ka mid ah dhakhaatiirta Caafimaadka ee Wasaaradda, ayaa ugu horeyn ka warbixiyey Xannuun lagu Magacaabo GUUX oo dalka ku cusub Kaas oo dhawaan ku dhacay xoolaha gaar ahaana Geella, waxaanu sheegay in xanuunkaasi uu kasoo talaabay dhanka xuduudda Itoobiya, wasaarad ahaanna ay ka hawl-galeen kana daweeyeen xoolahuu uu ku dhacay, xilliganna ay dadaal ugu jiraan sidii loo dabar jari lahaa.

Wasiirka xanaanada xoolaha iyo horumarinta Kalluumaysiga Somaliland Siciid Sulub Maxamed ayaa sheegay in caafimaadka guud ee xooluhu uu fiican yahay marka laga reebo Xanuuna Guuxa lagu magacaabo ooh adda laga daweeyay Geela, sidoo inay xooluhu haystaan Baad iyo Biyo ku filan.

Waxa uu wasiirku intaa ku daray Sucuudigu uu iska joojiyay guud ahaan xoolahii ugu imanayay dalalka adduunka oo ay ku jirto Somaliland iyagoo ka taxadaraya caafimaadkooda madama uu jiro xanuunka Coronavirus kaas oo sababay Sucuudigu joojoiyo xujeydii ka imanaysay daafaha adduunka.

Warkan oo faahfaahsan ka daawo Muuqaalka Hoose

You must be logged in to post a comment Login