Dowladda Soomaaliya oo dalbatay in aan la soo dhex-galin muran siyaasaddeedka kala dhaxeeya Kenya

Wasiirka Arrimaha Dibadda Soomaaliya Maxamed Cabdirisaaq Abuubakar
Wasiirka Arrimaha Dibadda Soomaaliya Maxamed Cabdirisaaq Abuubakar

Muqdisho (Aftahannews) – Dowladda Soomaaliya ayaa ka dalbatay beesha caalamka in aan la soo fara-gelin go’aamada ay dowladda Soomaaliya ay ka qadaneyso dalalka dariska ah, gaar ahaan muran siyaasadeedka xiliggan kala dhaxeeya dowladda Kenya.

Wasiirka Wasaarradda Arrimaha Dibadda Soomaaliya Maxamed Cabdirisaaq Abuubakar ayaa warkan ka sheegay soo xidhitaankii shirka iskaashiga Soomaaliya iyo Beesha caalamka in aan la soo faragalin go’aamada dowladda Soomaaliya ay ka qaadaneyso siyaasada arrimaha dibadda iyo la macaamilka dowladdaha dariska ah.

Hadalka Wasiirka ayaa u muuqday mid jawaab u ahaa codsi ka yimid wakiilka midowga Yurub ee Soomaaliya Nicolas Berlanga oo dalbaday in la khafiifiyo xiisada u dhaxeysa Soomaaliya iyo kenya.

Wasiirka Arrimaha Dibadda Soomaaliya Maxamed Cabdirisaaq Abuubakar
Wasiirka Arrimaha Dibadda Soomaaliya Maxamed Cabdirisaaq Abuubakar

‘Mar walba dowladda Soomaaliya waxaa ay xushmeyneysaa madax-bannnaanida iyo midnimada dhulleed ee dowladdaha dariska la ah” ayuu yidhi Wasiirka Arrimaha Dibadda Soomaaliya.

Dowladda Soomaaliya ayaa dhawaan dalkeeda ka saartay safiirkii Kenya ee Soomaaliya, kaddib markii ay dowladda Soomaaliya ku eedeysay Kenya in ay fara-galin qaawan ku heyso siyaasadda arrimaha gudaha Soomaaliya, laakiin Kenya dhinaceeda arintaa waa ay beenisay.

 

aftahaninc@gmail.com

Aftahannews.com

Muqdisho/Soomaaliya.