Madaxweyne Deni: Puntland waxaa yaala afar makiinadood oo lagu daabaco shilin Soomaaliga

Madaxweynaha Puntland, Siciid Cabdullaahi Deni
Madaxweynaha Puntland, Siciid Cabdullaahi Deni

Garoowe (Aftahannews) – Madaxweynaha dowlad goboleedka Puntland, Siciid Cabdullaahi Deni ayaa sheegay Puntland in ay yaalaan afar makiinadood oo lagu sameeyo lacagaha been abuurka ee shilin Soomaaliga.

Madaxweynaha Puntland ayaa sheegay shirkadahaas in ay lacagaha ay sameeyaan soo galiyaan suuqyada Puntland, iyagoo ka dhigaya in ay yihiin lacago duug ah oo hore loo isticmaali jiray.

Deni wuxuu sheegay in ay qaadeen tallaabooyin lagaga hortagayo lacagtan.

Madaxweynaha Puntland, Siciid Cabdullaahi Deni
Madaxweynaha Puntland, Siciid Cabdullaahi Deni

Sidoo kale, madaxweynaha Puntland ayaa ka hadlay sababta ay shirkaddaha wax lasoo daga  kaga joojiyeen in ay canshuurta ku bixiyaan shilin Soomaali.

“Koox yar oo ganacsato ah oo dekeda ku xidhan oo ku shaqeysta dollarka, ayaa xoogaagii shilin Soomaaliga ay haysteen ku bixinaya canshuur, iyagoo doonaya in ay dollarka jeebka ku haystaan. Markii aan ka joojinay ayay bilaabeen in ay shaqo joojin sameeyaan.” Ayuu yidhi madaxweyne Deni.

Madaxweyne Deni ayaa sidoo kale u hanjabay shirkadda isgaadhsiinta ee Golis, isagoo sheegay inuu ka xidhayo adeegeeda Sahal, oo uu sheegay inuu xagal daacinayo go’aankii lagu jaangooyay lacagaha la isku diro.

“Markaan joojinay in hal dollar iyo wixii ka yar aan la isku diri Karin, waxay bilaabeen adeeg la yidhaahdo WAAFI, oo sintiyo dollar ah la iskugu diri karo. Ma ogolaanayno, haddii kale Sahal oo idil waan xidhaynaa,” ayuu yidhi Madaxweynaha Puntland Siciid Cabdullaahi Deni.

 

aftahaninc@gmail.com

Aftahannews.com

Garoowe/Puntland.