Siyaasi Khaalid Cabdilaahi Falaago oo shaaciyay in uu yahay murashax u taagan doorashada golaha deegaanka Hargeysa

Hargeysa (Aftahannews) – Siyaasi Khaalid Cabdilaahi Falaago oo ka mid ah siyaasiyiinta Somaliland ayaa maanta shaaciyay inuu yahay murashax u tartamaya xildhibaanimada golaha Deegaanka ee Caasimada Hargeysa.

Siyaasi Khaalid ayaa  sidoo kale shaaciyay in uu ka sharaxan yahay xisbiga mucaardika ah ee Waddani, isagoona xisbiga ka mid ahaa tan iyo markii la aasaasay.

Dhawaaqa kasoo baxey, Siyaasi Khaalid Cabdilaahi Falaago ee ku wajahan murashaxnimada golaha deefaanka Hargeysa ayaa noqotay mid ay siweyn u soo dhaweeyeen shacbka Somaliland gaar ahaan magaalada Hargeysa.

Waxaa kale oo uu Siyaasi Khaalid Cabdilaahi Falaago ugu baaqay dadweynaha inay is diwaan geliyaan oo ay qaataan kaadhka codbixinta.

aftahaninc@gmail.com

Aftahannews.com

Hargeysa/Somaliland.