Xildhibaanno ka tirsan Puntland oo sharci darro ku tilmaamay dacwad laga gudbiyay

Xildhibaano ka tirsanaa barlamaanka Puntland oo dhawaan xasaanada laga qaaday
Xildhibaano ka tirsanaa barlamaanka Puntland oo dhawaan xasaanada laga qaaday

Garoowe (Aftahannews) – Xildhibaano ka tirsanaa barlamaanka Puntland oo dhawaan xasaanada laga qaaday ayaa sharci darro ku tilmaamay dacwad laga soo gudbiyay oo lagu wado in ay maalinta berito ah ka furanto Garoowe.

Xildhibaanadda oo Garowe saxaafadda kula hadlay, ayaa dacwadaas ku tilmaamay mid aan waafaqsanayn sharciga islamarkaana waxay sheegeen xeer ilaaliyihii iyaga soo eedeeyay in aanu dacwada qeyb ka ahayn.

Xilldhibaanadda ayaa sidoo kale ku eedeeyay garyaqaanka guud ee Puntand oo kiiskan la wareegay in ayna kalsooni ku qabin waxayna ku eedeeyeen inuu ku lug leeyahay kiiskan. 

Xildhibaano ka tirsanaa barlamaanka Puntland oo dhawaan xasaanada laga qaaday
Xildhibaano ka tirsanaa barlamaanka Puntland oo dhawaan xasaanada laga qaaday

“Eedaynta xasaanada aan ku weynay, waxaa keenay xeer ilaaliyaha guud, hadeertana waxaa muudqa in kiiskii oo markii hore ahaa dacwad ciqaabeed loo bedelay dacwad maamul, xeer ilaaliyihiina waa laga wareejiyay kiiskii, waxaan caddeynaynaa waxa meesha ka socda in ay yihiin sharci darro,” ayuu yidhi Xildhibaan Cabdiqani Abshir Surato.

Xildhibaan Cabdicasiis Maxamuud Gacmey oo isna kamid ah xildhibaanadda hadlay, ayaa sheegay in ayna oggolaandoonin in la xallaalaysto sharci darradii barlamaanka looga saaray, sida uu sheegay.

Waxay ugu baaqeen Isimada Puntland oo ah marjaca ugu sareeya in ay soo faro galiyaan arrintan inta ayna xaaladdu sii fogaan.

 

aftahaninc@gmail.com

Aftahannews.com

Garoowe/Puntland.