Shaqaale Qaramada Midoobey ka tirsan oo Itoobiya Lagu Rasaaseeyay

Redwan Hussein, afhayeenka xaaladda deg degga ah ee Itoobiya
Redwan Hussein, afhayeenka xaaladda deg degga ah ee Itoobiya

Dowladda Itoobiya ayaa sheegtay in ciidankeeda ay rasaaseeyeen shaqaale ka tirsan Qaramada Midoobay, kaddib markii ay shaqaalahani ka gudbeen laba bar-koontarool oo aanan loo ogolaan si ay u gaadhaan gobolka ay dagaalladu ka socdaan ee Tigray.

Redwan Hussien oo ka mid ah saraakiisha sare ee dowladda Itoobiya, ayaa Salaasadii shalay isaga oo ku sugan magaalada Addis Ababa wariyaasha u sheegay, in dhacdadani ay dhacday Axaddii xilli ay shaqaalaha Qaramada Midoobay isku dayayeen in ay gaadhaan xerada qaxootiga ee Shimelba oo ay daganyihiin qaxooti Eritrean ah.

Wuxuu sheegay in ciidamo ka tirsan millatariga Itoobiya ay rasaas ku fureen shaqaalaha UN-ka, kaddib marki ay isku dayeen in ay ka gudbaan bar koontarool, waxyar kaddib marki ay soo dhaafeen laba bar koontarool oo kale.

Redwan Hussein, afhayeenka xaaladda deg degga ah ee Itoobiya
Redwan Hussein, afhayeenka xaaladda deg degga ah ee Itoobiya

Sida uu sheegay Ridwan, shaqaalaha waxaa lagu wargeliyay in aanan loo ogoleyn in ay barta koontarool ka gudbaan, balse waxay go’aansadeen in si qar-iskatuur-nimo ah halkaasi kaga tallaabaan.

Shaqaalahani ayaa la xidhay, balse marki danbe lasii daayay sida uu xaqiijiyay sarkaalkani u hadlay dowladda Itoobiya.

Afhayeenka Qaramada Midoobau Stephane Dujarric ayaa sheegay in warka kasoo yeedhay Itoobiya uu yahay mid laga naxo. Isaga oo ku boorriyay dowladda federaalka Itoobiya in ay ka hortago dhacdadani oo kale mustaqbalka.

Qaramada Midoobay iyo hay’adaha kale ee samafalka caalamiga ah ayaa aad isugu dayaya in ay gargaar bani’aadannimo gaadhsiiyaan ku dhawaad hal milyan oo qof oo ay barakiciyeen dagaaallada sokeeye ee ka socda Waqooyiga gobolka Tigray ee dalka Itoobiya.

 

XIGASHO: VOA