Beel Shaacisay 2 Murrashax oo ugu Tartama doorashada Goleyaasha Wakiillada iyo Deegaanka Somaliland

Hargeysa (Aftahannews) – Iyadoo la filayo inay sannadka 2021-ka Somaliland ka qabsoonto doorashada isku sidkan ee golayaasha wakiillada iyo deegaanka oo marar kala duwan wakhtiyadoodii ka dib maray, ayey soo kordhayaan Musharrixiinta isu diyaarinaya inay doorashooyinkaan isa-saarka ah ku tartami doonaan, halka ay Beelaha dhexdoodu dhawaanahan ku mashquulsanaayeen kala reebista iyo xulista Musharrixiinta ay rabaan inay ku metelaan wakiillada iyo dowladaha hoose.

Haddaba, Beesha Cabdale Abokor oo ka mid ah beelaha dega Somaliland, ayaa maanta shaaciyay laba murrashax oo ku matalaya beeshaasi doorashada goleyaasha Wakiilada iyo Deegaanka Somaliland ee socda.

Munaasibad balaadhan ee ay beeshaasi ku shaacinaysay labaasi murashax ayaa ka qabsoontay Huteel Maansoor ee magaalada Hargeysa. Waxaana munaasibadaasi ka soo qeybgalay Waxgarad, Siyaasiyiin, Aqoonyahano, Dhalinyaro, Haween, iyo marti sharaf kale.

Labadan murashax ee beesha cabdale Abokor u soo xulatay inay ku matalaan doorashada Goleyaasha Wakiilada iyo Deegaanka ayaa lagu kala magaaabaa, cumar Aw Faarax cabdilaahi oo isagu u taagan golaha Wakiilada iyo Mustafe abdi ali Dhimbiil oo isaguna u taagan golaha Deegaanka caasimada Hargeysa.

Warkaas oo faahfaahsan ka daawo Muuqaalkan hoose:-