Yaa ka dambeeya dagaalka ka holcaya gobolka Tigray ee dalka Itoobiya?

Maqala (Aftahannews)- Qaar ka mid ah wargeysyada Carabta ayaa waxay wax ka qoreen dagaalka ka socda dalka Itoobiya iyo howlgalka ay gobolka Tigray ka wado dowladda dhexe ee uu Ra’iisul Wasaaraha ka yahay Abiy Axmed.

Dagaalakan ayaa waxa ilaa iyo imika ku dhintay boqollaal qof, islamarkaana waxaa ku barakacay in ka badan 24,000 qof, kuwaasi oo gaaray dalka Sudan.

Dhowr qoraa ayaa waxay sheegeen in dagaalladan ay ka dhasheen “Khilaaf kala aragti duwanaan ah oo muddo dheer soo xoogeysanayay,” waxayna Itoobiya ku tilmaameen “dal kala daadsan oo awoodi la’ in baahida dadkiisa uu daboolo.”

Dagaalka ayaa waxay labada dhinac isu adeegsadeen hubka culus

Qaar ka mid qoreyaasha Carbeed ayaa beeniyay in Masar ay ka dambeyso oo ay hurisay dagaalka, halka ay qaarkood sheegeen in Masar ay dhaqaalo ahaan dhibaato ka soo gaarayso haddii uu dagaal sokeeye ka qarxo Itoobiya.

Qaar kale oo ka mid ah khubarada wax ku qora wargeysyada carabta ayaa waxay Sudan ku booriyeen inay qaaddo tallaabo kasta si ay uga hortagto inay ku lug yeelato muranka dalka Itoobiya.

Aragtida qaldan ee laga qabo dagaalka

Maxamed Abul-Fadl oo wax ku qora jariiradda Al-Carab ee fadhigeedu yahay London ayaa yidhi: “Qaar ka mid ah dadka ayaa waxay aaminsan yihiin fikir qaldan oo ah in Masar ay tahay dalka faa’idada ugu badan ka helaya dagaal sokeeye oo ka qarxa Itoobiya, iyaga oo sheegaya in sirdoonka Masar ay ka dambeeyaan dhibaatada ka taagan gobolka Tigray.

Qoraaga ayaa sidoo kale sheegaya in qaar ka mid ah warbaahinta ay faa’idada ay Masar dagaalka ka heleyso ku saleynayeen muranka Itoobiya kala dhaxeeya ee biya-xireenka webiga Nile.

Maxamed Abul-Fadl oo hadalkiisa sii wata ayaa yiri, “Dadka taageersan fikirkaa labo mar ayay qaladameen, tan kowaad biya-xireenka Itoobiya waa xaqiiqo la taaban karo, dowladda hadda jirta ee Itoobiya waxay doonto ha noqotee, tan labaad muranka ma aha hormarinta biya-xireenka ee waxaa uu ku saleysan yahay buuxinta biya-xireenka, islamarkaana iyada oo la eegayo danaha dalalkan ay tahay in heshiis laga gaaro.”

.

Qoraaga Abu Al-Fadl ayaa sheegay in xukuumadda Qaahiro ay ka cabsi qabto in dhibaatada Itoobiya laga soo maleegay dibadda dalkaasi taasi oo uu dagaal sokeeye oo la mid ah kii Soomaaliya ka dhacay ay ka dhalan karto.

Waxaa uu intaa ku daray, “Masar waxaa ay dagaal adag kula jirtaa argagixisada gudaha, islamarkaana waxaan rumeysanahay in Masar ay faraha kula jirto arrimaha Liibiya, Masar diyaar uma aha in galaangalkeeda ay u weeciso dhinaca Itoobiya,.”

“Saameynta dowladaha Carabta”

Wargeyska Al-Quds Al-Arabi ayaa dhankiisa sheegay in dagaalka Itoobiya ay muuqato in uu saameyn ku yeelanayo dowladaha Carabta.

Al-Quds Al-Arabi ayaa qoray: “Sudan, oo daris la ah dalka Itoobiya, ayaa waxaa ku soo qaxay mowjado qaxooti ah oo ay tiradooda kor u dhaaftay 20,000 oo qof, taasi oo ah caddeyntii ugu horeysay oo muujinaysa in dagaalka u dhaxeeya dowladda dhexe ee Itoobiya iyo Tigrey uu saameynayo dowlado Carbeed.”

Wageyska ayaa intaa ku adray: “Caddeynta labaad ee ku saabsan galaangalka Carabta ee dagaalkan ayaa ah in dagaalyahannada Tigray ay sheegeen in dowladda dhexe ay isticmaashay diyaaro aan duuliye lahayn oo Imaaraadka laga keenay kuwaasi oo lagu duqeeyay goobo ay dad rayid ah ku sugnaayeen.”

Waxaa uu intaa ku daray wargeyska in xukuumadda Imaaradka ay horey door uga ciyaartay sidii la isugu keeni lahaa Eritrea iyo Itoobiya, si ay Imaaraadka ugu sahlanaato inay xakameeyaan dhaqdhaqaaqyada xeebaha Yemen ayna uga hortagaan Turkiga.

Dagaalka ayaa waxaa ka qaxay kumannaan qof oo gaaray Sudan

Wargeyska Al-Quds Al-Arabi ayaa qoraalkiisa sii raaciyay in dagaalka Itoobiya hadda ka socda uu yahay mid ka dhashay ka dib markii Tigreeda diideen inay qeyb ka noqdaan dimuqraadiyadda cusub ee Itoobiya taasi oo cidda aqlabiyada leh ay awoodda qabanayso islamarkana qowmiyada Tigrey ka hor istaagaysa in ay xukunka dib ugu soo laabtaan.

Sidoo kale qoraaga lagu magacaabo Mohamed Abdel-Hami ayaa wargeyska Suudi Aniil ku qoray: “Sudan waxay qaadatay siyaasad ay albaabada ugu furtay mowjadaha dadka ka soo qaxaya dagaalaka Itoobiya.”

Qoraaga ayaa rumeysan in dagaalka Itoobiya “uusan mar dhaw soo afajarmi donin”.

Waxaa uu intaa ku daray in dagaalka imika Itoobiya ka socda aan lagu kala adkaan karin qori, balse loo baahan yahay in wadaxaajood lagu dhameeyo khilaafka.

.

Mohamed Abdel-Hami ayaa Sudan uga digay inay lugaha la gasho dagaalka ka socda dalka Itoobiya.

Dagaalka u dhaxeeya dowladda dhexe ee Itoobiya iyo xoogagga Tigray ayaa imika socda muddo labo toddobaad ah.

Ciidamada dowladda ayaa duqeyn ka fuliyay qeybo ka mid ah deegaannada gobolka Tigray, halka ay ciidmada TPLF duqeeyeen magaalooyiin ku yaalla Itoobiya iyo caasimada Eritrea.

Waxaa socda dadaalo ay wadaan qaar ka mid hogaamiyehaasha qaaradda Afrika oo lagu doonayo in colaadda lagu soo afjaro.

 

Xigasho BBc