Abiy Ahmed: “Wuu dhamaaday wakhtigii loo qabtay inay isku soo dhiibaan Jabhadda TPLF..”

Ra’iisal wasaaraha Itoobiya, Abiy Axmed

Addis Ababa (Aftahannews)- Ra’iisal-wasaaraha dalka Itoobiya Abiy Axmed, ayaa sheegay in uu soo dhamaaday wakhtigii loo qabtay inay isku soo dhiibaan maleeshiyaadka iyo ciidamada TPLF ee weli la dagaalamaya ciidamadiisa.

“Waa dhammaatay muddadii loo qabtay inay isku soo dhiibaan maleeshiyada iyo ciidamada gaarka u tababaran ee TPLF, ” ayuu yidhi Abiy Axmed.

Sidoo kale, wuxuu intaasi ku daray inuu mahad-celinayo dhammaan dadkii faa’iideystay fursadaasi ee isku soo dhiibay ciidamada federaalka ee duulaanka ku qaaday Tigrayga.

Xaaladda Itoobiya ayaa weli qasan, iyada oo uu sii xoogeystay dagaalka ka socda waqooyiga dalkaasi oo qaatay in ka badan 10 cisho. Kumaanaan kun oo qoys ayaa sidoo kale isaga qaxay gobolkaasi, kuwaas oo u talaabay gudaha dalka Suudaan.

Si kasataba wadamada gobolka iyo Qaramada Midoobay ayaa ka digaya sii socoshada dagaalkan iyo colaadaha ka taagan waqooyiga dalka Itoobiya.