Qarax Is-miidaamin ah oo ka dhacay magaalada Muqdisho

Breaking_news-5

Muqdisho (Aftahannews)- Warar kala duwan ayaa ka soo baxaya khasaaraha ka dhashay qarax goor dhow ka dhacay qeybo ka mid ah magaalada Muqdisho.

Qaraxa oo ahaa mid xoogan ayaa waxaa inta badan jugtiisa laga maqlay xaafado dhowr ah oo ka tirsan magaalada Muqdisho.

Wararka ayaa sheegaya in qaraxaasi uu ka dhacay agagaarka maqaaxi ku taalla dugsiga tababarka ciidamada Booliiska Soomaaliya ee Janaraal Kaahiye.

Sidoo kale, wararka ayaa intaasi ku daraya in qaraxaas uu ahaa mid is-miidaamin ah oo uu fuliyey ruux isku soo xidhay walxaha qarxa.

Ma cadda illaa iyo hadda khasaaraha rasmiga ah ee ka dhashay qaraxan, waxaana haatan socda gurmad loo fidinayo dadka ay soo gaadhay waxyeeladu.

Xaaladda ayaa weli ah mid aad u kacsan, waxaana goobta gaadhay ciidamo ka tirsan kuwa ammaanka ee Soomaaliya.