Trump oo soo saaraya amarro cusub ka hor inta aan la caleema saarin Biden

Donald trump
Donald trump

Washington (Aftahannews)- Madaxweynaha dalka Maraykanka ayaa la filayaa in uu amar ku bixiyo in ciidamo dheeraad ah laga soo saaro dalalka Afghanistaan iyo Ciraaq sida warbaahinta ay kasoo xigteen saraakil ka tirsan wasaarada difaaca dalkaasi.

Ciidamada ku sugan Afghanistaan oo haatan tiradoodu tahay shan kun ayaa kala badh la dhimmi doona (2500 ayaa lasoo saari doona) halka kuwa ciraaq joogana laga dhimmi doona ilaa seddex kun ama labo kun iyo shan boqol oo askari.

Madaxweyne Trump wuxuu hore u sheegay inuu doonayo “dhamaan” ciidamada in guryahooda ku laabtaan marka la gaadho ciidda masiixiga ah ee Christmas.

Madaxweyne Trump ilaa iyo hadda ma aanu ogolaan in doorashada looga guuleystay.

Waxaa la filayaa in ciidamada dhamaantood lasoo saaro 15ka bisha janaayo sida ay ku warantay jariirada the Wall street Journal, maalmo un ka hor caleema-saarka Madaxweynaha la doortay Joe Biden.

Madaxweyne Trump wuxuu muddo dheer ku baaqayay in ciidamada Mareykanka ay dalka dib ugu soo laabtan wuxuuna dhaleeceeyay faragalinta militariga Mareykanka inay tahay mid kharash badan uu ku baxayo oo aan waxtar lahayn.

Bishii September Waaxda difaaca Mareykanka ee Pentagon-ka ayaa ku dhawaaqday in kabadan seddex meelood meel, ciidamadooda ay kala bixi doona Ciraaq sida uu xilligaasi sheegay taliyahooda ugu sareeya ee Bariga Dhexe.

Jeneraal Kenneth McKenzie ayaa wariyeyaasha u sheegay in ciidamada Ciraaq jooga tiradoodu ay tahay 5,200 laguna soo koobi doono 3,000.

Maraykanka waxaa uu sheegay in ciidamada hadhay ay sii wadi doonaan la-talinta iyo caawinta ciidamada amniga ee Ciraaq si ay “u cidhibtiraan” kooxda jihaad-doonka ah ee Daacish (IS).

Waxaa la filayaa in uu soo dhaweeyo in ciidamada Ciraaq la dhimo taas oo uu arko horumar laga gaadhay balanqaadkiisii ololaha doorashada 2016-ka oo uu ku sheegay in ciidamada Maraykanka laga soo saaro dagaalada aan dhamadka lahayn.

Joogitaanka ciidamada Mareykanka ayaa sidoo kale noqotay arinta ugu weyn ee Ciraaq tan iyo markii Mareykanka uu duqeyn diyaaradeed ku dilay Baqdaad, Jeneraalkii ugu sare ee reer Iiran, Qaasiim Suleyman ,bishii Janaayo.

Xoogaggii uu hoggaaminayey Mareykanku waxay duulaan ku qaadeen Ciraaq 2003-dii, si ay xukunka uga tuuraan Madaxweyne Saddam Xusseyn oo ay meesha uga saaraan hub wax gumaada oo u muuqday in aanu jirin.

Ciidamada Mareykanka waxay ku sugnaayeen Afghanistaan tan iyo 2001. Isbaheysi Mareykanku hogaaminayo ayaa meesha ka saaray Taliban todobaadyo kadib weeraradii 11-ki September 2001 ee Al-Qaacida ay ku qaadeen Mareykanka.

Taalibaan ayaa dib isu abaabushay waxayna noqdeen xoog fallaago ah iyadoo sanandkii 2018-kiina ka hawlgalayay in ka badan laba -meelood meel, inta uu ka kooban yahay dalka Afghanistaan.

Mareykanku wuxuu bilaabay inuu ciidamadiisa uu kala baxo Afghanistan horaantii sanadkan arrintaas oo qayb ka ahayd heshiiskii nabadeed ee ay kala saxeexdeen Taliban iyo Maraykanka.