Jabuuti oo war ka soo saartay dagaalka Tigray

Djibouti (Aftahannews)- Dowladda Jabuuti ayaa ku baaqday in wadahadal lagu dhameeyo dagaalka ka socda gobolka Tigray isla markaana ay diyaar u tahay dadaal kasta oo nabadeed oo lagu soo afjarayo dagaalka u dhexeeya TPLF iyo dowladda dhexe ee haatan ka socda gobolkaas.

“Jabuuti waxay si buuxda u taageereysaa midnimada iyo madaxbanaanida dhuleed ee jamhuuriyada dimuqraadiga ee federaalka Itoobiya” ayaa lagu yidhi bayaan kasoo baxay dowladda.

Waxay sheegtay in si weyn ay uga walaacsantahay dagaallada.

Arrintani ayaa ka dambeysay kaddib markii madaxweynaha Jabuuti Ismaaciil Cumar Geelle uu shaley qaabilay wafddi ka socday Itoobiya.