Sheekh Al Azhar: Maxkamadaha caalamka ayaan la tiigsaneynaa ciddii aflagaadeysa Nebiga

Qaahira (Aftahannews)- Sheekh Al Azhar, Dr Axmed Al Dayib ayaa magaalada Qaahira kula kulmay wasiirka arrimaha dibadda Faraniiska Jean-Yves Le Drian.

Sheekh Al Azhar, Dr Axmed Al Dayib ayaa wacad ku maray in maxkamadaha caalamka lala tiigsan doono qof kasta oo aflagaadeeya nebi Maxamed (NNKH).

Wuxuu gebi ahaanba kasoo horjeestay waxa loogu yeedho islaamiyiinta argagixisada ah.

“In la aflagaadeeyo Nebi Maxamed N.N.K.H.H, waa arrin gebi ahaanba aan la aqbali karin, xarunta daraasaadka islaamiga ah ee Al Azhar waxay baacsan doontaa kuwa aflagaadeeya Rasuulkeena sharafta leh iyagoo lala tiigsanayo maxkamadaha caalamiga ah, waxay nagu qaadataba, xitaa nolosheena aan ku qaadanno arrintaas”

Wasiirka arrimaha dibadda Faransiiska ayaa magaalada Qaahira kula kulmay madaxweynaha Masar, Cabdul Fataax Al Sisi iyo wasiirka arrimaha dibadda Masar.

Wuxuu sidoo kale booqasho ku tegay xarunta Azhar si uu ugu laab qaboojiyo muslimiinta dunida oo ka cadhooday sawir gacmeedkii uu daabacay wargeys Faransiiska laga leeyahay iyo hadalkii kasoo baxay madaxweynaha Faransiiska Emmanuel Macron ee ku difaacay daabacaadda sawir gacmeedka.

Hadalkaas oo horseeday in dibadbaxyo xooggan ay ka dhacaan dunida muslimka isla markaana lagu baaqayay in la qaadaco badeecadaha uu soo saaro Faransiiska.