Meydka nin Ajnebi ah oo ka xidhan gacmaha iyo lugaha oo ay soo caarisay xeebta Eyl

Eyl (Aftahannews) – Magaalo xeebeedka Eyl oo katirsan gobolka Nugaal ee maamul goboleedka Puntland, ayaa waxay soo caarisay maydka nin ajnebi ah oo gacmaha iyo lugaha laga soo xidhxidhay.

Ninkan oo la aqoonsan waayay maydkiisa, ayay wararku sheegayaan in ay dileen maraakiibta jariifka ah ee ku sugan Xeebaha Puntland, balse lama hubo.

Markii maydkiisa la helayay waxaa uu dulsaarnaa Naxash laga sameeyay alwaaxyo, waxaana jidhkiisa ku duuduubnaa xadhig loogu talo galay in aanu naxash ka dhex bixin.

Maamulka degaanka waxay tilmaameen inuu muddo badan ku dhex jiray biyaha badda jidhkiisa qeyb ahna la aqoonsan waayay, sida madaxa.

Xogta hordhaca ee laga helay baadhitaan lagu sameeyay maydkiisa, waxay sheegaysaa in ay u badan tahay inuu ahaa kalluumayste kasoo jeedo wadamada Koonfurta Asia sida Thailand, Philippines, Vietnam iyo Indonesia.

Maamulka degmada Eyl waxay sheegeen in ay qabaan tuhun ku saabsan in ay dileen qolyo uu kamid ahaa oo xeebaha Puntland ku wada kaluumaysi sharci darro oo ay Puntland awood u weyday in wax laga qabto.

Eyl, oo ah magaalo taariikhi ah oo dhacda badweynta Hindiya waa meeshii ugu horaysay ee ay kasoo ifbaxeen kooxihii budhcad badeeda, laakiin wixii ka dambeeyay 2012, waxay dhibbane u tahay maraakiibta jarriifka.