Mareykanka oo xaqijiyay in Askari uu kaga dhaawacmay weerarkii Kismaayo

Kismaayo (Aftahannews)- Milatariga Maraykanka ee qaaradda Afrika ayaa xaqiijiyey in askari Mareykan ah maanta lagu dhaawacay weerar ka dhacay degaanka Janaa Cabdalle.

Gaashaanle sare Christopher Karns oo u hadlay ciidamada milatariga Afrika ayaa VOA Somali u sheegay in weerarkaas uu dhacay xilli ay ciidamada Soomaaliya iyo kuwa Maraykanka ay ku jireen hawlgal ahaa talosiin iyo taageero, waxaana weerarka ay Al-Shabaab u adeegsadeen ayuu sheegay baabuur laga soo buuxiyey waxyaabaha qarxa iyo hoobiye.

Christopher Karns waxa uu sheegay in askarigaas xaaladdiisu ay deggan tahay, lana daweynayo dhaawaca soo gaadhayna aanu ahayn mid halis ku ah naftiisa.

Waxa uu sheegay in mid ka mid ah maleeshiyada Al-Shabaab lagu dilay weerarkaas.