Duuliyihii Diiday inuu Duqeeyo Shacabka Hargeysa oo Xogo Xasaasi ah Soo Bandhigay – Akhri/Daawo

Filed under: Wararka |

Hargeysa(Aftahannews):- Duuliye Axmed Maxamed Xasan (Axmed-dheere) oo ka mid ahaa duuliyeyaashii Diyaaradihii Milleriga ee dowladdii Soomaaliya, isla markaana isagu diiday 13-kii Julay 1988-kii inuu ka qayb-qaato duqeyntii dhanka cirka ee magaalada Hargeysa ay ku burburinayeen diyaaradihii dowladdu, waxaanu Miiggii uu waday ka dejiyey Xeebta Jamhuuriyadda Djibouti, ayaa caawa kulan xog-waraysi iyo mahadnaq ah loogu qabtay xarunta dhaqanka ee Hargeysa.

Dr JAMA MUSE JAMA IYO DUULIYE AXMED MAXAMED XASAN 2020 HARGEYSA

Dr JAMA MUSE JAMA IYO DUULIYE AXMED MAXAMED XASAN 2020 HARGEYSA

Duuliye sare Axmed-dheere oo deegaan ahaan ka soo jeeda gobolka Banaadir, ayaa gelinkii dambe ee Salaasadii maanta suuqyada Hargeysa socod luga ah ku maray, ayaa salaan iyo sawirro bulshadu safaf u galeen iyagoo soo dhaweynaya, isla markaana uga mahad-naqaya go’aanka geesinnimada iyo damqashadu ka muuqatay ee uu ku diiday inuu duqeeyo dad aan waxba galabsan oo walaalihiis ah, waxaanu ka mahadnaqay sida diirran ee loogu soo dhaweeyey xarunta Somaliland ee Hargeysa.

Axmed Maxamed Xasan (Axmed-dheere) barnaamijka xarunta dhaqanka ee Hargeysa ay soo diyaarisay ee caawa loogu qabtay isla xaruntaas oo uu daaddihinayey Guddoomiyaha Xarunta Dhaqanka Dr. Jaamac Muuse Jaamac, waxaa ka qaybgalay Wasiirro xukuumadda ka tirsan, wasiirro hore, xubno ka tirsan Halgamayaashii SNM, Dhaqanyaqaanno, Aqoonyahan, Suxufiyiin iyo Dhalinyaro Wiilal iyo Gabdho isugu jira.

Waxaanu Axmed-dheere ka xog-warramay amarkii lagu siiyey inuu duqeeyo Hargeysa, sidii uu ku diiday, nooca diyaaradda uu waday, hubka saarnaa ee uu u quudhi waayey inuu ku dhibaateeyo dadkii shacabka ahaa ee Hargeysa wakhtigaa ku noolaa oo ka qaxayey duqaymaha diyaaradaha Madaarka Hargeysa ka kacayey haddana ku rushaynayeen isla Hargeysa, sidii uu xeebta Djibouti ku fadhiisiyey diyaaraddaas, dareenkiisii wakhtigaas iyo wixii uu la kulmay guud ahaan go’aankiisa ka hor iyo ka dib.

Waxa uu sheegay in naxariista iyo go’aan-qaadashada mustaqbalka qofku xidhiidh la leedahay ku barbaaristad Diinta Islaamka iyo bii’ada uu ku noolyahay ama ku koray. Waxa uu ka warramay in abuurka Jabhaddii Kornayl Abdillaahi Yuusuf ee 1978-kii lagu dhibaateeyey dad badan oo aan waxba galabsan, isla markaana uu isagu ka soo horjeestay sidii wax loo waday, ka dibna la xidhay oo uu muddo xidhnaa, markii dambena uu muddo 1978-kii illaa 1986-kii laga ruqseeyey ciidanka circa Soomaaliya, oo uu Xafiis aanu shaqo ka qaban lagu qoray, amma ahaa waxa loo yaqaanno ‘Buulka’.

“Markii ugu horreysay ee aan Hargeysa imi waxay ahayd 1987-kii, oo aannu aniga iyo duuliye kale u nimi inaannu laba diyaaradood ka kaxayno oo aannu Muqdisho geyno, hal habeen ayaannu ku hoyanay Huteel Mubaarak, subaxdiina waxaannu qaadnay labadii diyaaradood oo aannu Muqdisho geynay, oo ahaa kuwii aannu markii dambe ee 1988-kii ku soo noqonnay.” Sidaa ayuu yidhi Duuliye Axmed.

Waxaanu Axmed-dheere oo ka warramaya Diyaaradaha loo qorsheeyey inay Hargeysa duqeeyaan ee uu mid duuliye ka ahaa, wuxuu yidhi; “Diyaaraduhu waxay ahaayeen Miig 17 kuwa loo yaqaanno. Aniga iyo Sarkaal Yuusuf la yidhaahdo ayaannu ahayn, derajo ahaan isagaa iga sarreeyey. Labada diyaaradood waxay ahaayeen diyaaradihii Ruushka, waxay lahaayeen awood ay ku qaadaan Bambooyin, middiba waxay qaadi karaysay laba Bambo oo min shan boqol oo Giram.”

“Diyaaradaha waxa loogu talogalay in Kayd la geliyo amma Warshad loo diro, markaa diyaaradaha markaannu Hargeysa ka kaxaynay kayd bay galeen. Waxase loogu talogalay inay Bambooyinkan qaadaan oo dagaalkan lagu galo, sidaas baa loo soo kiciyey. Markaa, Injineerkii diyaaradaha ayaa noo qoray warqad uu leeyahay waannu tijaabinnay oo way wanaagsan yihiin diyaaradahan oo aannu iska tijaabinno, markaa waxaan u sheegay inaanan jeclayn inaan ku duulo diyaaradahan ee ay habboontay in la raaco sharciga Injineerradii sameeyey. Markaa, wuxuu noo sheegay in muddo toddobaad ah oo keliya naloo baahan yahay, sidaas baan ku soo baxnay. Waxaan ku degnay Gaalkacyo, oo aan shidaal ka soo qaadannay, waxaannu casarkii nimi Hargeysa,” ayuu yidhi Axmed.

Axmed-dheere, mar uu ka jawaabayey su’aal laga weydiiyey cidda amarka ay Hargeysa ku yimaaddeen siisay, wuxuu yidhi; “Ciidanka cirku sidiisaba waa xoojin, ciidan si gaar ah u dagaallama maaha, markaa halkan baa laga dalbaday oo Taliyihii Hargeysa joogay ayaa xoojin ka dalbaday ciidanka Cirka, annagana Taliska ayaa amarka na soo siiyey, markii aannu Hargeysa nimina waxaannu ka amar-qaadanaynay Taliyihii joogay halkan (Hargeysa Waqooyi-galbeed) oo ahaa Janaraal Maxamed Siciid Xirsi (Moorgan).”

Axmed-dheere oo la weydiiyey inay jireen Duuliyeyaal Ajaanib ahi inay ka qayb-qaadanayeen duqayntii Hargeysa iyo inay wada Soomaali ahaayeen, wuxuu yidhi; “Soomaalida waxaa dheeri ku ahaa, Duuliye iyo Farsamo-yaqaanno caddaan ah oo Taliska Baydhabo joogi jiray, kollay 3 bay ahaayeen hal duuliye iyo laba farsamo-yaqaan.”

Mar uu Axmed-dheere ka warramayey imashadiisii Hargeysa iyo tallaabadii u xigtay wuxuu yidhi; “Hargeysa markaannu nimi casar-gaabad, waxaa madaarka nagu soo dhaweeyey Saraakiishii ciidanka. Galabtaa waxba nalooma dirin. Subaxdii dambe waxaannu tagnay taliska oo uu fadhiyey janaraal Moorgan, waxa halkaas sii joogay Sarkaalka sahanka qaabbilsanaa. Wuxuu na geeyey Madaarka Hargeysa agtiisa, waxa uu halkaa naga tusay meelaha la duqaynayo ee aannu diyaaradaha ku garaaci karno, wuxuu noo sheegay inaannu duqaynayno dooxa Hargeysa waxa waqooyi ka xigta. Markaasunnu nimi, waxa na qaaday diyaarad sahanka ah oo uu waday Suufi Jaylaani nin la odhan jiray, waxa nalagu soo wareejiyey magaalada, waxa nala tusay goobaha ay tahay inaannu duqayno.”

“Galabnimadii waannu kacnay, aniga maaddaama oo barnaamijkaygu ahaa inaannu Jabuuti tago, waxaan rabay inaan subax kaco oo aanan galab kicin. Markaa, cillad yar baan ku marmarsooday diyaaraddu lahayd, markaa galabtii sidaas baan ku fadhiyey. Balli-doogle intaanan ka soo bixin baan go’aansaday inaanan duqayn Hargeysa. Markii ugu dambaysayna waxaan go’aansaday inaan la baxsado diyaaradda.” Sidaa ayuu yidhi Axmed.

Duuliye Axmed Maxamed Xasan mar uu ka jawaabayey su’aal laga weydiiyey markii uu Diyaaradda Hargeysa ka kiciyey iyo wixii uu sameeyey, wuxuu yidhi; “Subaxdii waxa la diyaariyey diyaaradaha, Bambooyinkiina waa lagu xidhay illaa tobankii subaxnimo, waxaannu u kacnay dhanka Galbeedka oo hawadu ka imanaysay, waxaannu gelaynay leexasho midig, deedna halkii aan ka soo laaban lahaa, waxaan qaatay inaan kor u kaco oo u baxo Jahada dalka Jabuuti. Waa layla hadlay oo waxa la ii sheegay inaan jeho kale qaaday oo 35 baad martay baa la igu yidhi. Diyaaraddu way cilladaysantay baan ku idhi, ka dib raadyaha ayaan bakhtiistay, markaas baa iigu dambaysay xidhiidhka, Bamkiina waxaan ku riday siistam aan qarxayn, markaa waxaan ku riday markaan ka baxay magaalada ee Naasahablood aan dhaafay baan meel cidla ah ku riday. Hargeysa intaan joogayba diyaaradaha kale ee Miig 19-ka ah iyo kuwa qoryaha laga ridaa way kacayeen ee Siimbaawiyiintu wadeen oo dagaalka way ku jireen.”

Waxa uu Axmed-dheere sheegay inaanu werwer ka qabin Shidaalka diyaaradda markuu Jabuuti u goosanayey, isla markaana uu ku xisaabtamayey wakhti iyo jaho, ka dibna waxaan arkay inaan Tojoro dul-joogo, dib baan u soo noqday, shidaalkiisuna uu sii gabaabsiyayo, ka dibna uu ku degay meel Xeebta Jabuuti ah oo ah meel cidlo ah oo loogu talogalay in diyaaradi fadhiisan karto. “Waxaan arkay markaan ka soo degay diyaaradda magaalada Tojara, laakiin bad baa noo dhaxaysay, ka dib waddo ayaan arkay, markii dambe niman kalluumaysato ah baan arkay oo gacan isiiyey. Dowladda Jabuuti oo ah Dad aan walaalo nahay, Wasiirka arrimaha gudaha Jabuuti ayaa la ii geeyey, si wanaagsan bay ii soo dhaweeyeen,” ayuu yidhi Axmed.

Duuliye Axmed-dheere oo hadalkiisa sii wataa, waxa uu intaas ku ladhay; “Waan ogaa inuu jiro Sharci dhigaya in la isoo celin karo, laakiin inaan gacan labaad ku baxo waan ku talo-galsanaa. Wasiirka arrimaha gudaha ee Jabuuti, ee wakhtigaasi wuxuu ii sheegay in aan badbaadiyey dad Walaalahay ah, isla markaana iyaguna ay walaalahay yihiin oo ay I badbaadinayaan, nabadgelyadayda awgeedna ay ii gudbinayaan meel kale, sidaas bay Qaramada Midoobay Jabuuti iigu gudbisay.”

Axmed-dheere waxa uu sheegay in wax badan loo sheegay oo cabsigelini qayb ka tahay, isla markaana ay jiraan dad badan oo aad u soo dhaweeyey go’aanka uu qaatay ee uu ku diiday inuu duqeeyo Hargeysa. Waxaanu sidoo kale Axmed ka jawaabay su’aalo ay ka qayb-galayaashu ka weydiiyeen mawduuca uu ka hadlay iyo go’aankiisa taariikhda galay. Gebo-gabadiina Wasiirka arrimaha gudaha Somaliland Maxamed Kaahin Axmed oo kulanka ka qaybgalay, ayaa Duuliye Axmed guddoonsiiyey Shahaado-sharaf xaruntu u diyaarisay.

Sidoo kale, Barnaamijkaas Duuliye Axmed-dheere ee Xarunta Dhaqanka ee Hargeysa lagu qabtay hadalkiisa, su’aalaha la weydiiyey iyo jawaabaha uu bixiyeyba, waxaannu idiinku soo gudbinaynaa muuqaalkan hoose ee daawasho wanaagsan:-

aftahaninc@gmail.com

Aftahannews.com

Hargeysa/Somaliland.

You must be logged in to post a comment Login