Brazil: Barcelona Oo Dib U Soo Celisay Jamashaddii Naymer

Shabakada caanka ah “Don Balón” ee dalka Spain ayaa sheegay in kooxda Barcelona uu hoggaaminayo Madaxweynaheeda Josep Maria Bartomeu ay diyaargaroow ugu jirto sida ay ku diyaarin lahaayeen dalab aad u xoogan, si ay ugu bandhigan Paris Saint-Germain oo ay ka doonayaan addeega xiddiga reer Brazil ee Neymar Jr.

Barca ayaa lala xidhiidhinayay inay dib ula soo saxeexanayso ciyaaryahanka reer Brazil ee Neymar Jr inta lagu guda jiray suuqa kala iibsiga xagaagan, iyadoo 27 jirkan uu doonayay inuu ka dhaqaaqo caasimada France maadaama aannu ku farraxsanayn.

Sida laga soo xigtay “Don Balón” kabtanka kooxda Barcelona ee Lionel Messi ayaa weli rajeynaya inuu mar kale kaga garab-ciyaaro Neymar Jr garoonka Nou Camp, taasoo ku kaliftay maamulka Barca inay ka fekeraan in markale ay wadahadalo cusub la galaan dhiggooda Paris Saint-Germain, si ay kaga qaataan addeega xiddigooddii hore ee reer Brazil suuqa kala iibsiga ee soo aadan.

Wararka ayaa waxay intaa ku sii darayaan in Barcelona ay isku diyaarinayso inay bixiso qiimo dhan 100 milyan euro, lagu daray xiddigaha Samuel Umtiti iyo Ivan Rakitić si ay uga dhaadhiciyaan kooxda Paris Saint-Germain inay ka qaataan adeega Neymar Jr suuqa furmi doono bisha January ee soo aadan, dalabkan ayaana ah mid aad u weyn, isla markaana ay suurtogal tahay in si weyn ay kaga fiirsato naadiga PSG.