Baarlamaanka Soomaaliya oo Ansixiyey Xeerka Shidaalka ee Federaalka

BAARLAMAANKA FEDERAALKA SOOMAALIYA OO ANSIXIYEY XEERKA SHIIDAALKA SOOMAALIYA 2019
BAARLAMAANKA FEDERAALKA SOOMAALIYA OO ANSIXIYEY XEERKA SHIIDAALKA SOOMAALIYA 2019

Muqdisho(aftahannews):- Baarlamaanka federaalka ee Soomaaliya, ayaa maanta cod aqlabiyad leh ku ansixiyay sharciga Batroolka oo kullamadii u dambeeyay aad looga doodday.

BAARLAMAANKA FEDERAALKA SOOMAALIYA OO ANSIXIYEY XEERKA SHIIDAALKA SOOMAALIYA 2019
BAARLAMAANKA FEDERAALKA SOOMAALIYA OO ANSIXIYEY XEERKA SHIIDAALKA SOOMAALIYA 2019

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

Kulanka ay golaha ku ansixiyeen sharcigan oo isha lagu hayay waxaa xaadiray 154 xildhibaan,iyadoo cod gacantaag ah la galiyay. 150 xildhibaan ayaa codka ogalaansho ee ‘Ha’ ugu codeeyay sharciga, waxaa diidday 4 xildhibaan, mana aysan jirin cid ka aamustay.

Sharcigan waxaa horay uga horyimid dowlad-gobolleedyada,iyadoo shirkii u dambeeyay ee dowladda federaalka iyo maamul-gobolleedyada uu qodobka ka mid ahaa kuwii la isku mari waayay ee ugu dambeyn dhaliyay in shirka lagu kala kaco.

Sidoo kale, xukuumadda Ra’iisul wasaare Khayre oo dadaal galisay sharcigan ayaa soo maray marxaladdo kala duwan oo ahaa dooddo la xiriiray sharcigan oo ku soo beegmay xilli horraantii bishii February lagu qabtay magaalada London kulan lagu xaraashayay sahankii shidaal ee laga sameeyay Soomaaliya.

aftahaninc@gmail.com

Aftahannews.com

Muqdisho/Soomaaliya.