Gabadh Sheegtay in Macallinkeeda Dugsigu Faro-xumeeyey oo la Gubay iyo Dareenka ka dhashay

AASKA NUSRAT LOO SAMEEYEY
AASKA NUSRAT LOO SAMEEYEY

Bangladesh(aftahannews):- Nusrat Jahan Rafi waxaa lagu bilbilay gaas, dab ayaana la qabadsiiyay xilli ay ku sugneyd iskuulkeeda oo ku yaalla waddanka Bangladesh.  Wax ka yar labo isbuuc ka hor waxay gudbisay cabasho la xidhiidha qash-qashaad galmo ku saabsan oo ay ku eedeysay maamulaheeda dugsiga.

AASKA NUSRAT LOO SAMEEYEY
AASKA NUSRAT LOO SAMEEYEY

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

Sida ay karti ugu yeelatay inay ka hadasho arrinta ku saabsan tacaddiyada galmada, dhimashadeedii timid shan maalmood ka dib markii dabka la qabadsiiyay iyo wax walba oo dhacay intii waqtigaas u dhaxeysay ayaa baraarujiyay guud ahaan dalka Bangladesh, waxayna dadka indhaha ku kala qaadeen qiimaha ay leeyihiin dadka loo geysto tacaddiyada galmada ee dalkaas ku yaalla

Nusrat, oo ahayd 19 jir, waxay kasoo jeedday magaalada Feni oo qiyaastii 160km dhinaca koonfureed kaga began caasimadda Dhaka. Waxay dhigan jirtay dugsi lagu barto cilmiga islaamiga ah.

27-kii bishii Maarso ayey sheegtay in maamulaha dugsiga uu ugu yeeray xafiiskiisa, kadibna uu jirkeeda si khaldan u taabtay, isagoo(sida ay sheegtay) isku dayayay inuu kufsado. Balse inta aysan xaaladda meel xun gaarin ayey bannaanka uga carartay.

Dumar badan iyo gabdho yar yar oo ku nool dalka Bangladesh ayaa door bida inay iska qarsadaan tacaddiyada galmada ee lagula kaco, iyagoo ka cabsanaya ceeb kasoo gaarta bulshada ama qoysaskooda.

Waxa ay Nusrat Jahan dadka uga duwaneyd ma ahayn oo kaliya inay soo bandhigtay arrinta, balse waxay sidoo kale iyadoo qoyskeeda kaashaneysa booliska u sheegtay wixii lagu sameeyay maalintaas. Saldhigga booliska ee deegaankeeda ku yaalla ayey warbixinteeda u gudbisay.

Waxaa lagu badbaadin karay meel nabad ah, si looga sii wareysto arrinta sida ay u dhacday. Hase yeeshee taas baddalkeeda waxaa muuqaal telefoonkiisa uga duubay askarigii mas’uulka ka ahaa saldhigga ay u dacwootay.

Muuqaalka ayaa laga arkayay in Nusrat ay wajigeeda gacmaha saareysay iyadoo aad u walaacsan. Balse askariga oo codkiisa la maqlayay ayaa u shegayay in arrintu aysan ahayn wax weyn, wuxuuna ka dalbanayay inay gacmaha ka qaaddo wajiga. Muuqaalkaas ayaa goor dambe loo dusiyay warbaahinta maxalliga ah.

‘Waxaan isku dayay inaan dugsiga geeyo’

Nusrat Jahan Rafi waxay kasoo jeedday magaalo yar, waxayna ka dhalatay qoys dhaqanka iyo diinta ku dhaggan, sidaas awgeedna waxaa la geeyay dugsi lagu barto waxbarashada islaamiga ah. Gabar iyadoo kale ah, haddii ay soo bandhigto xad gudub galmo oo loo geystay waxay kala kulmi kartaa cawaaqib xumo.

Dhibaneyaasha ayaa inta badan waxaa khalad ka aamina dadka ka tirsan bulshadooda, waxaana lagu dhibaa baraha bulshada, mararka qaarna xitaa waa la weeraraa. Nusra way la kulantay dhibaatooyinkan oo idil.

27-kii bishii Maarso, markii ay booliska u dacwootay, waxay xabsiga u taxaabeen maamulihii dugsiga. Laakiin markaas waxay xaaladda ku xumaatay Nusrat. Koox dad ah ayaa waddooyinka ku mudaharaaday iyagoo dalbanaya in macallinka lasii daayo.

Dibadbaxyada waxaa abaabulay labo arday oo kale, waxaana la sheegay inay ka qeyb galeen siyaasiyiin deegaanka kasoo jeeda. Dadku waxay billaabeen inay eedda saaraan Nusrat, qoyskeedana waxay sheegeen inay amaankeeda u cabsanayeen.

6-dii bishan Abriil, oo ahayd 11 maalmood ka mid markii ay arrinta soo shaac baxday, Nusrat waxay aadday dugsiga, si ay ugu fariisato imtixaankeedii ugu dambeeyay.

“Waxaan isku dayay inaan walaashey u kaxeeyo dugsiga waxaana damcay inaan gudaha la galo, laakiin waa la iga hor istaagay inaan la galo”, waxaa sidaas yidhi Nustar walaalkeed oo lagu magacaabo Mahmudul Hasan Noman.

“Haddii aan la iga celin lahayn inaan gudaha galo, wax sidaan oo kale ah kuma dhici lahayn walaasheey”, ayuu yidhi. Sida ku xusan macluumaad ay bixisay Nusrat, gabar ardayda ka mid ah ayaa u kaxeysay saqafka kore ee dhismaha uu ku yaallo dugsiga, iyadoo u sheegtay in mid ka mid ah saaxiibadeed la garaacay.

Markii ay Nusrat gaartay halkaas waxaa hareereeyay 4 ilaa 5 arday oo kale, waxayna damceen inay ku khasbaan inay ka noqoto dacwadda ay ka gudbisay maamulaha.

Markii ay diidday dalabkooda, waxay ku bilbileen gaas, dab ayeyna qabadsiiyeen.

Banaj Kumar Majumder oo ah madaxa waaxda dambi barista ee booliska ayaa sheegay in dhalinyarada dilka geysatay ay damacsanaayeen “inay arrinta u ekeysiiyaan in gabadha ay isdishay”. Hase ahaatee qorshahoodu wuu guul darreysatay markii Nusrat la badbaadiyay ka hor inta aysan goobta ku geeriyoonin. Waxay fursad u heshay inay macluumaad bixiso dhimashadeeda ka hor.

“Mid ka mid ah kuwii dilay ayaa madaxeeda ku celinayay gacmihiisa, sidaas awgeed gaaska laguma shubin meesha uu gacmihiisa ku hayay, taasina waa sababta uusan dabka uga gaarin madaxa”, ayuu yidhi Mr Majumder, oo wareysi siiyay BBC-da.

Balse markii Nusrat la geeyay isbitaalka, dhakhaatiirtu waxay ogaadeen in jirkeeda uu 80% gubtay. Maadaama aysan awood u heynin inay daweeyaan, waxay u gudbiyeen isbitaalka weyn ee caasimadda Dhaka.

Intii lagu sii waday gaariga Ambalaasta ayey warbixinta oo dhan ku duubtay telefoonka walaalkeed, iyadoo ka cabsi qabtay inay dhexda kusii dhimato.

“Macallinka jirkeyga ayuu taataabtay, waan la dagaallami doonaa dambiga noocan ah ilaa inta ay neefta ugu dambeysa iga baxeyso”, ayaa ka mid ah erayada ku jira codka ay duubtay.

Waxay sidoo kale sheegtay magacyada qaar ka mid ah dadkii ka dambeeyay dilkeeda oo kulligood ahaa arday wax ka barta madarasada.

Warka ku saabsan Nusrat ayaa qabsaday guud ahaan warbaahinta dalka Bangladesh. 10-kii bishan Abriil ayey geeriyootay, kumannaan qof ayaana ka qeyb galay aaskeeda oo ka dhacay isla magaalada Feni.

Booliska ayaa ilaa hadda xiray 15 ruux, kuwaasoo 7 ka mid ah lagu eedeeyay inay dilkeeda ka qeyb qaateen. Dadka la xiray waxaa ku jira labadii wiil ee markii ugu horreysay qabanqaabiyay mudaharaadyada lagu taageerayay maamulaha. Xitaa maamulaha laftiisa ayaa wali ku jira xabsiga.

Askarigii muuqaalka ka duubay Nusrat markii ay dacwada gudbineysay ayaa isagana laga baddalay meeshii uu ka shaqeynayay waxaana loo wareejiyay waax kale.

Ra’iisul wasaaraha Bangladesh, haweeneyda lagu magacaabo Sheikh Hasina ayaa magaalada Dhaka kula kulantay qoyska Nusrat, waxayna u ballan qaadday in qof walba oo dhacdada gabadhooda lagu dilay ku lug lahaa sharciga la hor geyn doono.

Geerida Nusrat waxay abuurtay dibadbaxyo, kumannaan ruux ayaana baraha bulshada ku muujiyay caradooda ku aaddan sida loola dhaqmo gabdhaha dhibaneyaasha u ah tacaddiyada galmada ee ka dhaca dalka Bangladesh.

Xigasho BBCSomali.com.