Soomaaliya & AMISOM oo Al-Shabaab ka qabsaday deegaanno ka tirsan Gobolka Galguduud

Ceel-buur(Aftahannews):- Ciidamada dowladda Soomaaliya kuwa Itoobiya ee ka tirsan Ciidanka Midawga Afrika (AMISOM) ka jooga Soomaaliya, ayaa deegaanno ka tirsan gobolka Gal-guduud oo ay Al-Shabaab ka telinaysay la wareegay saacadihii ugu danbeeyay, kuwaasoo hoostaga degmada Ceelbuur oo gobolkaas ka tirsan.

Ciidammada is-baheystay oo labadii cisho la soo dhaafay dhaq-dhaqaaqyo Millateri iyo howlgal ka dhan ah Al-shabaab ka waday qeybo ka mid ah gobollada dhexe ee dalka Soomaalia, ayey u suurtagashay in ay la wareegaan gacan-ku-heynta deegaannada God-dhurwaa, Ceel-garas iyo Ceel-La-helay oo ka wada tirsan degmada Ceelbuur ee gobolka Gal-guduud.

Qaar ka tirrsan Saraakiisha hoggaaminaya hawlgalka Kooxda Al-Shabaab ee goboka Gal-guduud fadhiisimmada ku leh lagula dagaallamayo, ayaa Warbaahinta u sheegay in Ciidammada is-baheysanayaa ay si nabad-galyo ah ula wareegeen deegaannadaas oo ay hore ugu sugnaayeen xoogagga Al-shabaab.

Howlgalka Ciidammada ayaa la sheegay in uu ku wajahan yahay degmada Ceelbuur oo ah saldhigga ugu ballaadhan ay Al-shabaab ay ku leeyihiin waqtiga gobollada dhexe, ka dib markii dhawaan lagala wareegay degmada Buula-burte ee gobolka Hiiraan.

Dhinaca kale dhaq-dhaqaaqyo Millateri ayaa ka soconaya deegaanno ku dhaw dhaw degmada Maxaas ee gobolka Hiiraan oo ka mid ah degmooyinka gobolka Hiiraan ee wali ku jira gacanta Al-shabaab.

Ciidammada dawladda Soomaaliya iyo kuwa AMISOM ee dagaallada ka taageera, ayaa bishan aynu ku jirno bilaabay is-ballaadhin iyo barakicin ay ku samaynayaan Kooxda Al-Shabaab, isla markaana wada dagaallo ay kaga qabsadeen Deegaanno kala duwan oo ka tirsan gobollada dalka Soomaaliya.

Hase-yeeshee, waxay is-ballaadhinta gobollada dhexe ee Ciidammada Huwantu ku soo beegmaysaa wakhti uu khilaaf soo kala dhex-galay dawladda Soomaaliya iyo Culimada Ahlu-Sunna Wal-jameeca oo iyagu inta badan deegaannada gobolka Galguduud ka telinayey, isla markaana meelo badan oo ka tirsan gobolkaas kula daagaallamay Kooxda Al-Shabaab.

aftahaninc@gmail.com

Aftahannews.com

Hargeysa/Somaliland.