Gudida horumarinta degmada Ibraahim Koodbuur iyo Odayaasha deegaanka Oromada oo Wasaarada Hawlaha Guud ku wareejiyay dhul dan guud ah

Filed under: Wararka |

Hargeysa  (Aftahannews)- Qaar ka mid ah Odayaasha iyo Waxgaradka deegaanka Oromada iyo Gudida horumarinta degmada Ibraahim Koodbuur, ayaa dhul dan guud ah ku wareejiyay Wasaarada hawlaha guud iyo Guryaynta Somaliland.

Dhulkan oo ahaa dhul dan guud ah ayaa waxa laga soo jaray dadweynaha deegaankaasi, waxaana ugu horayn goobta ka hadley gudida horumarinta degmada Ibraahim Koodbuur iyo Odayaasha Deegaanka Oromada, Iyagoona sheegay in dhulkaasi dadweynaha deegaankaasi looga dhisyo adeegyo Caafimaad.

 

Halkan hoose ka daawo muuqaalka

Share Button

You must be logged in to post a comment Login