“Wiil ka yimi Xudur, Buurhakabo & Diinsoor, oo Dacas wataa Na Xukumi Maayo..” Madaxweyne Gaas

Garoowe (Aftahannews)- Madaxweynaha maamul goboleedka Puntland Cabdi Weli Maxamed Cali Gaas, oo ka hadlayey magaalada Badhan ee gobolka Sanaag, oo uu booqasho ku jooga, ayaa ku gafay dadka kasoo jeeda gobollada Baay iyo Bakool, sida ku cad muuqaal laga duubay baraha bulshada lagu baahiyey.

“Wiil ka yimid Xudur, Diinsoor iyo Buurhakaba, oo qaba kaba dacas ah inuu dalkayga iigu yimaado, iguna xukumo ma aqbali karo mana dhici doonto” ayuu yidhi Cabdi Weli Gaas, oo sida muuqata liidaya dadka dega gobollada Baay iyo Bakool.

Hadalka Gaas, ayaa waxaa aad u dhaliilay qaar ka mid ah dadka kasoo jeeda gobollada Baay iyo Bakool, oo qoraallo jawaab ah soo dhigay baraha bulshada, waxaana ka mid ah xubno ku jira dowladda Soomaaliya

Wasiir ku xigeenka warfaafinta Soomaaliya, Aadam Isaaq ayaa yidhi “Wax la aqbali karo ma aha cunsuriyada iyo kala saarida uu ku kacay Cabdiweli Gaas. Ogoow wiilka ka yimid xudur iyo buur-hakaba ma aha ajinabi, mana aanu tagin wadan kale. Hubaal shacabka sharfoon ee Puntland lama qabaan erayada gafka ah. Ninkii kala saar lahaaw, Ninkii kala sooc wadoow, Ninkii si xun u fekeroow. Gaas ku baranay.

 Halkan hoose ka daawo muuqaalka;

aftahaninc@gmail.com

Aftahannews.com

Hargeysa/Somaliland.