Maxay Tahay Xaqiiqada Dhabta ah ee Taala Magaalada Jigjiga Xarunta Dawlad Deegaanka Somalida Ethiopia.

Filed under: Aragtida Bulshada,Wararka |

“Qormo Kooban Oo Aan kagaga Waramayo Wixii Aan Kala Kulmay” Qaybta-1aad.W/Q:-Axmed Almis

Waxaan Qalinka U Qaatay Inaan Sawir Kagaga Bixiyo Muuqaalkii aan ka Aaminsanaa Magaalada jigjiga Wakhtigii hore iyo Sawirka aan ka qaatay xaqiiqada taala wakhtigan.

Waxay Ahayd habeenimadii Axadii Markii aan maqlay geerida Naxdinta leh Alle ha u Naxariistee C.laahi Maxamed Kootare Oo ahaa Nin aanu Ilmaabtinahay edaday dhashay Oo Ku geeriyooday Magaalada Jigjiga, kadib Aaska marxuumka waxay noqotay Inaanu ka Qaybgalno Aniga iyo ehelkuba iyo laba wiil oo aanu asxaab nahay oo suxufiyiin ahi.

Waxay ahayd Markii iigu horeysay ee aan cagaha saaro carrada magaalada jigjiga.

Waxaanu ka Baxnay magaalada hargeisa anagoo markaa kusii jeedna ka qaybgalka aaska marxuumka alle ha u naxariistee, waa safar dhulka ah oo aanu ka baxnay magaalada wajaale oo ku taala xuduuda u dhaxaysa labada dal ee Somaliland iyo Ethiopia.

Basaska Nooca Loo yaqaan Casterka oo Si Aada uga shaqeeya Gudaha Dalka Ethiopia ayaanu ka raacnay magaalada Wajaale abaaro ilaa tobankii subaxnimo maalinimadii axada,

Waxaanu u soconay magaalada jigjiga wax ka yar ilaa saacad oo aan ku qiyaasi karo ilaa 45 minte, Waxaanu cagta saarnay Wado Si Casri ah loo dhisay oo Aanad Markaliya Dareemayn dhibaato ah, Kaaga Sii Darane Waxaa ishu qabanaysaa dhirta quruxda badan ee ku baxay biyaha raxmaaanka eebe oo maansheeyey bilahanba. Waxa kale oo iyaguna kusoo jiidanaya beeraha sida wacan u baxay.

Tirada Dadka aanu ku  tagaynay Aaska oo aad u badnaa waxaa jiray in dadka haysta sharciyada dal ku galka ama mustawaqaha dalka Ethiopia ay ahaayeen laba ilaa saddex qof oo nala socoday, waxaase markii aanu joognay magaaalada wajaale xidhiidh aanu la sameynay xaafada aanu ku soconay ee aanu ehelka nahay kadib nala soo xidhiidhay nin markii danbe magaciisa iigu sheegay Axmed Dawo oo ay marxuumka geeriyoodayna Rafiiq ahaayeen oo noo fududeeyey inaanu si dhib yar oo ku galno  magaalada jigjiga iyadoo magacyada iyo tirada dadka aanu ka koobnayn la dhigay  Barta Koontarool ee Looyaqaan

Magaalo Qarax oo Ah Meesha kaliyaata ee Sida Xawliga ah loogu baadho Bulshada Galaysa Dalka Ethiopia lana waydiiyo Sharciga Dal ku galk. Iyadoo uu jiro bar koontarool oo kale oo ku yaala magaalada wajaale oo isagana sidaa si lamida dadka loogu baadho,

Hadaba markii aanu tagnay Magaalo qaran oo ah Kaantaroolka Lagu baadho Gaadiidka iyo Sharciyada Dadka Waxaa markii aanu isu sheegay ciidanka hawshan qabanayey inaanu nahay dadka magacyadoodu sidaa yihiin kana kooban intaas oo qof ku socoda ka qaybgalka geeri ka dhacday magaalada jigjiga waxay noo qaabileen si naxariis iyo islaamnimo ku jirto Baadhitaan lanagu Sameeyey kadibna Waxaa Si Fudud lanoogu ogolaaday inaanu Soconn karno.

Waxoogaa  saacad badhkeed ah kadib Waxaanu cagta Saarnay magaalada Jigjiga oo Muuqaalka Guud ee Magaalada Marka aad waxoogaa aad u dhawaato ay Si Weyn kuugu soo muuqanaysa, Waa Magaalo Dhismayaasha casrig ahi shantii sanno ee ugu danbeeyey si xawliya uga hanaqaadeen, dhismayaasha wadooyinka ayaad iyana ku raaxaysaneynsaa markaa aad dhex dawaafto, Waxyar kadib Markii aanu gaadhnay goobtii uu socodkayagu ku jeeday oo ahayd xaafada geerida oo aanu ugu tagnay tacsi kana qayb galay aaska marxuumka Waxaanu galinkii danbe ee maalintaa jaanis u helnay inaanu socod lug ah ku dhexmarno goobaha ugu caansan magaalda jigjiga ama suuqyada ugu waaweyn.

Qofkastaa marka looga sheekeeyo magaalo ama goob aanu hore u tagin aqoona aanu u lahayn Waxaa jira sawir humaag ama muuqaal uu ka qaato  oo uu isku qanciyo inay tahay sidaa.

Anigu Shaqsiyan hadaba Sawirka aan ka haystay Magaalada jigjiga iyo Ka aan Hadda kala Kulmay Waxay ii Noqdeen kaafi iyo kala Dheeri, Waxaan Sheekooyin  kala duwan ku maqlay in magaalada jigjiga ay tahay magaalo aan qof ka soo galootiga ahi ama qariibka ku ahi  toban talaabo aanu dhex socon Karin islamarkaana ay jiraan ciidamo aan wax kale ka shaqeyn oo taagan heegana ku ah hareeraha wadooyinka islamarkaan dadka waydiiya “Qabaleega” xaafada uu degan  yahay hubiyana inuu haysto wax sharciya, haddii laga waayana xabsiga u taxaaba. Waxaa iyana igu maqaalo ahayd in haddii aad jigjiga tagto aanad xaafad kamida u hoyan Karin ilaa lagaa soo diwaan galiyo goobta laga maamulo qabaleega ay ku taalo xaafada aad degan tahay, waxaan cabsi ka qabay ra’yiga aan ka aaminsanaa oo ahaa in ay tahay magaalo si fudud laguu xidho haddii lagaa shikiyo ama lagaa waayo wax aqoonsi dalka ah  islamarkaana ay adag tahay sida aad kusoo baxdo ee lagugu soo daayaa.

Waxaas oo dhami se waxay beenoobeen markii aan cagaha saaray carrada jigjiga islamarkaana aan si xor ah aanu ku dhexmarnay aniga iyo wiil aanu ilmaabti nahay oo na kala barayey magaalada iyo labada suxufi ee iyaguna nagu wehelinayey safarkan iyadoo socodaalkaa aanu ku dhexmarnay magaalada jigjiga ay noo suuro gashay inaanu booqano goobaha taariikhiga ah oo ay ugu horeysayso taalada weyn ee Sayid Maxamed Cabdile Xassan  oo ku taala badhtamaha suuqa, Dhismayaasha ugu Qurxoon magaalada iyo Wadooyinka dhexmara oo aaney midna mid ka dhicin, waxaanu hal goob kula kulanay wiil iyo gabadh ciidan ah, anaga oo saaran markaa baabuurta yaryar ee loo yaqaan Bajaajta oo Si xoogan uga dhex shaqeysay magaalada  waxay naga codsadeen inaanu soo degno kadibna waxay noo baadheen mid mid iyagoo markaa noo sheegay in Munaasibada Ciida Awgeed ay habeenkii ciidanku shaqeynayaan islamarkaana sugayaan amniga dadka iyo magaalada, waxaanay ahayd halka kaliyaata ee magaalada gudaheeda habeenkaa aan ku arkay ciidan taagan oo sugaya amniga bulshada.

Jigjiga Waxaa Si Xawliya uga Socoda Ganacsiga xorta ee  Kala Duwan, Waxay u badan yihiin Meheradaha waaweyn ee ku yaala suuqyadu kuwo ay haystaan dad soomaali ahi.

Dhacdooyinka Xusitaanka mudan ee aann kala kulmay ayaa waxa ka mid ahayd kamid markii aan goor galab fiidgaaban oo waxyari ka hadhan tahay afurkii markii aan si kadis ah ugu soo baxnay anaga oo saaran gaadhi bajaaj ah meel laamiga dhinaceeda ah oo dad badani ku buuqansan yihiin kadib markii aan ku dhawaanayna waxaabay indhahayagu qabteen Madaxweyne Cabdi maxamuud Cumar oo Ku Labisan Khamiis Cad Cumaamadna Degta u Saaran tahay Oo Dad Danyar iyo waayeel isugu jira u Qaybinaya Lacag taas oo markii aanu bulshada waraysanay ay noogu sheeegeen in madaxweynuhu wakhtiyadan oo kale uu bulshada marka ay soo dhawaato ciidu u qaybiyo dadka aan awoodin lacag gaadhaysa midkiiba ilaa 2000 oo birr oo muslimiinta masaakiinta ah ee aan awooin inay caruurtooda ciidsiiyaan ama aan haysanba waxay ku anfuraan uu u qaybiyo. Waxay igu ahayd layaab inaan indhaha ka qaado cabdi maxamuud cumar oo aan inta badan ka daawan jiray aaladaha muuq baahiyeyaasha iyo baraha internetka.

La Soco Taxanaha Qormadan oo Aan Kusoo Bandhigi Doono Isbedelada Dhinaca Kaabayaasha Dhaqaalaha Iyo Arrimaha Bulshada ee Ka Jira Magaalada Caasimada ah ee Jigjiga.

 

W/Q:-Axmed Osman Almis.(Gabiley News Editor)

Email-almis20133@hotmail.com

Phone Cell:-252-634243848.

Share Button

You must be logged in to post a comment Login