Madaxweyne Farmaajo oo ka hadlay Dagaalka Tukaraq ee Somaliland iyo Puntland iyo La-dagaallanka Al-Shabaab

MADAXWEYNE FARMAAJO MUXUU KA YIDHI DAGAALKA TUKARAQ 2018

Muqdisho(Aftahannews):- Madaxweynaha Federaalka Soomaaliya Maxamed Cabdillaahi Farmaajo, ayaa Salaaddii Jimce ee Maanta oo uu ku tukay Muqdisho Khudbad uu ka jeediyey kaga hadlay dagaallada Dhimashada iyo Dhaawaca badan sababay ee dhex-maray Khamiistii shalay deegaanka Tukaraq ee Bariga gobolka Sool, waxaanu ku baaqay in la joojiyo Dhiigga Islaamka ee la daadinayo Bisha Barakaysan ee Ramadaan.

MADAXWEYNE FARMAAJO MUXUU KA YIDHI DAGAALKA TUKARAQ 2018

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

Madaxweyne Farmaajo, waxa kale oo uu ka hadlay la dagaallanka Malleeshiyada Al-Shabaab oo weerarrada iyo dilalka ay ka fuliyaan Muqdisho iyo qaybaha kale ee dallka kordhiyey Bisha Ramadaan intan lagu guda-jiray, waxaanu ku baaqay inay Shacabku taageeraan oo ay la shaqeeyaan Ciidammada Ammaanka ee dawladda Soomaaliya.

Waxaannu Madaxweynaha Soomaaliya Maxamed Cabdillaahi Farmaajo oo arrimahaas ka hadlaya, Khudbaddiisa idiinku soo gudbinaynaa Muuqaalkan hoose ee Daawasho wacan oo wanaagsan:-

.

aftahaninc@gmail.com
Aftahannews.com
Hargeysa/Somaliland.