Wasiirka Biyaha Somaliland Oo Faah-faahin Ka Bixiyay Dagaalkii Tukaraq Iyo Guulo Ciidamada Somaliland Ka Gaadheen

Hargaysa (Aftahannews):- Wasiirka Wasaarada Biyaha Somaliland Saleebaan Cali Koore ayaa waxa faah-faahin ka bixiyay Dagaalkii Deegaanka Tukaraq ku dhexmaray Ciidamada Maamul goboleedka Puntland iyo kuwa Maamulka Xamar ay ku soo qaadeen Ciidamada Qaranka Somaliland ee jiidaas isagoo sheegay in ciidamada Somaliland dagaalkaas guul wayn ka soo hooyeen qabsadeena Gaadiid badan iyo fadhiisimo cusub.

 

Sidoo kale Wasiir Saleebaan Cali Koore ayaa waxa uu ka hadlay Colaada ka taagan Deegaanka Ceel-afwayn ee Gobolka Sanaag isagoo beelaha walaaha ah ugu baaqay in Dagaalka joojiyaan.