Suxufi Itoobiya Xadhig 27 Sano ah Ku Xukuntay oo Muqdisho lagu Soo Dhaweeyey, kana Hadlay Dareenkiisa

WERIYE MUUDAY OO MUQDISHO LAGU SOO DHAWEEYEY MARKII XABSI ITOOBIYA KU YAAL LAGA SII DAAYEY 2017

Muqdisho(Aftahannews):- Weriye Maxamed Aweys Muudey oo ku magac-dheer Boqorka Badhtamaha, ayaa si diirran loogu soo dhaweeyey magaalada Muqdisho, ka dib Afar sano markii uu ku xidhnaa Xabsi ku yaalla dalka Itoobiya, ka dib markii ay Maxkamadda Itoobiya ku xukuntay 27 sano oo Xabsi ah, balse ay dawladda Soomaaliya ku guulaysatay sii dayntiisa.

WERIYE MUUDAY OO MUQDISHO LAGU SOO DHAWEEYEY MARKII XABSI ITOOBIYA KU YAAL LAGA SII DAAYEY 2017

Suxufi Muudey, ayaa lagu soo dhaweeyey Muqdisho, soo dhawayntiisa Muqdisho Ka dib, ayuu Muuday oo Warbaahinta la hadlay, waxa uu sheegay in uu ku faraxsanyahay in uu xoriyadiisa uu dib u helo, maaddaama muddo badan uu ku xidhnaa dalka Itoobiya, waxaanu ugu horreyn u mahad-celiyey Allaah.

Waxa kale oo uu Weriye Muuday u mahad-celiyey Madaxweynaha iyo Raysal-wasaaraha Soomaaliya Maxamed Cabdillaahi Farmaajo iyo Xasan Cali Khayre oo uu sheegay inay dedaal wayn u galeen sii dayntiisa iyo weliba Cid kasta oo kala qayb-qaadatay inuu xorriyaddiisa dib u helo Maanta.

Haddaba, Qaabka loogu soo dhaweeyey magaalada Muqdisho Weriye Maxamed Aweys Muudey, Hadallada Weriyeyaasha iyo Masuuliyiin soo dhaweeyey iyo Muuday laftiisa oo ka hadlaya sii dayntiisa, waxaannu idiinku soo gudbinaynaa Muuqaalkan hoose ee Daawasho wacan oo wanaagsan:-

aftahaninc@gmail.com
Aftahannews.com
Muqdisho/Soomaaliya.