Sheekh Aadan-Siiro oo Si Adag uga Hadlay Muranka Ka Taagan Tirinta Codadka, Komishankana Farriin u diray

SHEEKH AADAN-SIIRO
SHEEKH AADAN-SIIRO

“Komiishanka waxaannu kula talinaynaa; Go’aannada aad soo saaraysaan Caqli iyo Xikmadi ha ku jirto, Waayo? Dalka idinkaa kala saaraya, Go’aanka aad qaadataan ayaa Taariikhda Ummadda geli doona…” Sheekh Aadan-Siiro

SHEEKH AADAN-SIIRO

Hargeysa(Aftahannews):- Sheekh Aadan Xaaji Maxamuud Xiirey (Sheekh Aadan-Siiro), ayaa Khudbaddii Jimcihii Maanta uu ka jeediyey Masjidka Xawaadle ee uu Tukiyo kaga hadlay qaladaadka laga muujiyey Tirinta Codadka doorashadii Madaxtooyada ee 13-kii bishan Somaliland ka qabsoontay, Masuuliyadda Guddiga doorashada ka saaran cadaalad iyo sinaan inay Xisbiyada ugu garsooraan iyo Ahmiyadda Nabadgelyadu u leedahay Dalka, waxaanu Dadweynaha ugu baaqay inay meel uga soo wada jeedsadaan ilaalinta nabadgelyada iyo midnimada Bulhada.

Sheekh Aadan, waxa kale oo uu khudbadda si faahfaahsan ugaga hadlay Rabshado khasaare ka dhashay xalay oo uu sababay Muranka qaabta Cod-tirinta saluug uu Xisbiga Waddani ka muujiyey iyo dhego-ka-furaysi ay ku eedeeyeen Guddiga doorashada oo ay sheegeen inay ka jawaabi waayeen cabashooyin iyo dacwado Xisbigu u gudbiyey.

Sheekha oo ugu horreyn ka hadlaya dhibaatada Amni-xumada laga dhaxli karo, ayaa yidhi; “Waddamada Muslimiinta ah waxa halkaa dhigay Qof wax doonaya ama Koox wax doonaysa, taas oo Macnaheedu tahay inay inuu Talada Ummadda dhegaysan waayo, arrintaana Suuriya ku burburtay, Yemen baa lagu kala tagay oo Saacaddiiba Hal Qof baa Gaajo iyo Xanuun u dhinta. Yemen waxa halkaa dhigay Muran siyaasadeed oo ka dhashay markii Ninkii Waddanka haystay lagu yidhi iskaga deg Xilka 30 Sannadood baad haysataye, ee uu diiday. Dabadeedna waxa ka faa’idaystay Cadowgii Muslimiinta ee markii horeba doonayey in Dawladaha Islaamka la burburiyo. Markaa Ninka Dadka Reer Somaliland u kala abtiriya muu fahmin Dawladnimada, meesha loo socdo iyo waxa la doonayo, Cidda uu doono ha ahaadee.”

Sheekh Aadan-Siiro waxa kale oo uu yidhi; “Dawladnimada (Somaliland) waa Shay ka dhaxeeya oo ay dugsanayaan Afar Milyan iyo Badh Shacab ah, kuwaasi oo Laba Milyan iyo Badh ka mid ahi ay Dalka Gudihiisa joogaan, Laba Milyana ay Dibedda ku leelayaan.”

“Taladeenu waa hala is dhegaysto, Dadka wanaagsana Arrinta galaan, maxay dhib leedahay 650,000 kun oo Cod, waxa tirinaya 3,250 Inan, Inan Walba waxa ku soo hagaagaya Laba Boqol oo Waraaqood, markaa (Waa in la yidhaahdaa) ma Cirkaa soo dumaya?, Maxaad sheeganaysaan, Sanaaduuq, halkan soo fadhiista (oo loo tiriyaa Cidda cabanaysa) intaas ayay ka dhan tahay Komiishanka, Toosna in laga dhigo ayay ahayd, Maaddaama oo  Telefiishannadeenu u baahin karaan si Toos ah, oo marba Sanduuq la tiriyo Ummadda oo dhami daawanayso oo laga amba-baxo. Xisbigii guulaystay wuu is-ogyahay, Tiradiisana wuu haystaa, laakiin waxaynu ujeednaa in Dadku is-qanciyo oo la isku Laab-xaadho. Waxaynu ku muranaaba meesha ma yaallo, Afar Saacadood ayaynu ku soo afjaraynaa wax lagu wada-hadlayo (ee Tirinta Codadka Doorashada), dabadeedna wixii soo baxa Nin walba ha raaco.” Sidaa ayuu yidhi Sheekh Aadan.

Sheekh Aadan Xaaji Maxamuud wuxuu ka hadlay Rabshadihii Habeen hore ka dhacay Magaalooyinka Dalka qaarkood, waxa uu yidhi; “Rasuulka (CSW) ayaa laga wariyey inuu yidhi; ‘Waxa dhici doonta inay yimaaddaan Dad Madax ah oo inta ay wax yidhaahdaan, aan la odhanin Waar ka daaya sidaasi ma habboonee, hadday sidaasi dhacdana Dadka oo dhami Naarta ayay ku hoobanayaan’. Xalay (habeen hore) Dad baa Hargeysa ku dhintay, Burco Dad baa ku dhintay, Ceerigaabo Dad baa ku dhaawacmay. Dadkaa murmaya Laba ag-fadhiya, mid wuxuu leeyahay waar ILAAHAY ka yaab oo aynu Arrinta Caqli ku darno, midna wuxuu leeyahay Suti-gaashaan, qaarkoodna maba qarsanayaan, sidaa darteed waxaan leeyahay waar ILAAHAY ha laga yaabo, Waar Dadkan lama qaybin karo, Waar Dadkani waxba ma kala yeelan karaan oo waxbay wada leeyihiin. Waxaan idiin sheegayaa wax kasta oo dhinac ka rarrani ma shaqaynayo, hadduu Maanta shaqeeyana berri shaqayn maayo. Dadka Qalbigaa laga maamulaa, Kalsoonidu waa Qalbiga, waa in Dadka la raali-geliyo, waa in Dadka la qanciyo oo Dadka la isku hayo, waa in Dadka kii Khaldan si Caqli iyo Ximadi ku jirto loo tilmaamo, kuwa Sharka u ololeeya dhinac kasta oo ay yihiinba waxaanu leenahay ILAAHAY ka yaaba. Waayo? Ninkii ILAAHAY u qoray meeshan hore ayaa Samada looga qoray, wax Alaale iyo wax la isku daaliyo, wax Ummaddeenu isku dishaa oo ay Ummaddeenu ku qaxdaa ma jiraan.”

Sheekhu wuxuu sheegay in muranka Siyaasadeed ee ka taagan Doorashada ay sababteedu tahay Awooddii Madaxweynaha oo aan sidii la rabay u shaqaynayn, waxaanu yidhi; “Komiishanka Maanta joogaa waa kii ugu ayaanka darnaa, Sababtu waxa weeyaan Awooddii Madaxweynahaa innaga maqan, waad ogaydeen tii Rayaale (Doorashadii 2010), Xisbigiisu wuu diiday, dabadeedna Madaxweynahaa is-taagay oo yidhi ‘Waa la innaga helay oo waynu aqbalaynaa’. Laakiin Imika Dad kale ayaa talinaya.” ayuu yidhi, waxaanu intaa sii raaciyey; “Arrintaa Komiishanka waanu kala hadalnay oo waxaanu ku nidhi ‘Dawlad adag oo Madaxweynuhu talinayo, oo uu Deg-deg u soo dhex galayo (Muranka) oo uu Go’aanka ugu adag qaadanayaa ma jiro, idinkaa Komiishankii ah oo Madaxweynihii ah, ee Tallaabada aad qaadaysaan aad u eega oo ka fiirsada, yaanay saamayn idinku yeelanin Dad dano badan lihi.”

Sheekh Aadan-Siiro wuxuu farriin u diray Xukuumadda. “Xukuumadda waxaanu kula talinaynaa, waar Muranka siyaasiga ee Dalka ka jira ee Axsaabtu leedahay ka dhex baxsanaada oo Caddaalad ka sameeya, Waayo? Dadka haddii Kalsoonidu ka lunto, Go’aan kasta oo la qaato Cid aqbalaysaa ma jirto, laakiin Qofku markuu kalsooni haysto Go’aan kasta sidiisa ayuu ku qaadanayaa.” ayuu yidhi Sheekh Aadan-Siiro waxaanu intaa sii raaciyey; “Komiishanka waxaannu kula talinaynaa Go’aannada aad soo saaraysaan Caqli iyo Xikmadi ha ku jirto, Waayo? Dalka idinkaa kala saaraya, Go’aanka aad qaadataan ayaa Taariikhda Ummadda geli doona.”

aftahaninc@gmail.com

Aftahannews.com

Hargeysa/Somaliland.