Aas Qaran Oo Maanta Magaalada Hargaysa Loogu Sameeyay Marxuum Xil. Xasan Cawaale Caynaan

Hargaysa(Aftahannews)- Alleh ha Unaxaristee Waxaa Maanta magaalada hargaysa Aas Qaran loogu sameeyay Marxuum Xildhibaan Xasan Cawaale Caynaan oo malintii Shalay ku geeriyooday Dalka Jabuuti Oo dhawaan Xaalad Caafimaad Loogu qaday isla maanta Maydkiisa dib loogu soo celiyay Dalka.

Aaska loo sameeyay Marxuum Xildhibaan xasan cawaale oo kamid ahaa Golaha Wakiilada somaliland ayaa waxaa kasoo qaybgalay Shir  gudoonka golaha wakiilada oo u hor kacayay Gudoomiye kuxigeenka kowad ee golaha iyo xildhibaano kala duwan oo ka kala socday labada gole.

Siyaasiyiin iyo dadwayne Aad utiro badan oo dhamaan marxumka Halkaasi uga Duceeyay in Ilaahay Su,aasha ufududeeyo. Qoyskii iyo qaraabadii uu kabaxay samir iyo imaan.

Halkan Hoose Ka Daawo