Madaxtooyada oo Barnaamijka Wax-qabadka Xukuumadda Kulmiye ee TV-yada Ka Bixi Jiray Madax-furasho looga Haysto Qaybtii dambe

WASIIRKA MADAXTOOYADA IYO AFHAYEENKA MADAXTOOYADA MAXAMUUD XAASHI IYO XUSEEN-DAYR

Hargeysa(Aftahannews):- Barmaamujyo taxane ah oo ku saabsanaa  Waxqabadka Xukuumadda Kulmiye  ee todobadii sannadood ee ay talada haysay, kuwaas oo ka bixi jiray Telefeshinka Dawladda iyo kuwa gaarka loo leeyahay, ayaa istaagay ka dib markii ay Madaxtooyadu bixin weyday kharashkii loogu talo-galay sameynta Barmaamujyadaas, kaasoo la sheegay inay Hawl-wadeennadii diyaariyey qaybtii labaad ee Barnaamijkaas Madax-furasho Lacageed u haystaan.

WASIIRKA MADAXTOOYADA IYO AFHAYEENKA MADAXTOOYADA MAXAMUUD XAASHI IYO XUSEEN-DAYR

Sida ay Baahisay Shabakadda Gobanimonews.com oo aannu Warkan ka soo xigannay xalay, Barmaamujkan oo ay muddo dhowr bilood ah diyaarinayeen Weriyeyaal iyo Farsamo-yaqaanno isku dhaf ah oo ka kala socda Warbaahinta Dawladda iyo TV-yada Madaxa-bannaan, hindisihiisana ay lahaayeen xubno ka tirsan Xukuumadda oo uu hoggaaminayo Wasiirka Madaxtooyadu, ayaa qaybihiisii hore toddobaadkii hore ka socdeen Shaashadaha Telefiishannada, hase-yeeshee hadda waxa ku yimi hakad.

Hakadka ku yimi baahinta Barmaamujkaas, ayaa yimi ka dib markii khilaaf soo kala dhex-galay Kooxdii dhanka Dawladda iyo Xisbigeeda u qaabbilsanayd Maamulka Barmaamujyadaas iyo Howl-wadeennadii diyaarinayey, khilaafkaas oo la sheegay inuu ka dhashay Lacagtii lagu sameynayey Barmaamijyada oo ay bixin wayday Xukuumaddu, gaar ahaan Guddiga uu Wasiir Maxamuud Xaashi hoggaaminayo ee howshan qorshaheeda iyo maamulkeeda lahaa, sida lagu faafiyey Shabakadda Gobanimonews.com xalay.

Sida ay ilo-wareedyo arrintaas xog-ogaal u ahi Gobanimonews u sheegeen, howl-wadeennada Barmaamujka diyaarinayey oo qaybtii hore ee Telefeshinnada ka baxday laga qaaday iyadoo aan la siin Kharashkii lagula heshiiyey, ayaa diiday inay wareejiyaan qaybta labaad ee Barnaamijyada ay diyaariyeen oo ay todobaadkii hore dhammeeyeen, iyagoo ku dooday inaanay bixinayn Barmaamujkaas illaa la siiyo lacagtii ay ku sameeyeen.

Diidmada Hawl-wadeennada iyo dalabka hore ee Guddiga Madaxtooyadu hawsha u xil-saartay ee hore ee Wasiirka iyo Afhayeenka Madaxtooyadu xubnaha ka yihiin, ayaa dhalisay ismari-waa illaa iyo immika ay hakad ugu jiraan Barmaamujkaas qaybihiisa ugu muhiimsanaa, sida ay tibaaxayso xogta ay heshay Gobanimonews oo aannu Warkan ka soo xigannay.

Xogtu waxay tibaaxday in labada dhinac mid waliba ku adkaystay go’aankiisa, isla markaana ay Hawl-wadeennadu gacanta ku hayaan Barmaamujyadii oo diyaara, laakiinse Kooxda Xukuumadda u qaabbilsan hawshu ka war-wareegayaan inay kharashkooda u siiyaan sidii lagula heshiiyey.

Wasiirka Madaxtooyada Maxamuud Xaashi Cabdi, ayaa laba toddobaad ka hor khudbad uu ka jeediyey Munaasibad lagu qabtay Magaalada Dacarta ka sheegay inay Telefeshinnada dalka oo dhan; si joogto ah uga bixi doonaan Barmaamujyo ku saabsan waxqabadkii Xukuumadda Madaxweyne Siilaanyo.

Dhanka kale, waxa calaamad su’aal saaran tahay qaddarka Lacagta lagu bixiyey hawshan oo ah mid aad u badan iyo habka loo xulay Weriyeyaasha iyo Farsamo-yaqaannada diyaarinayey oo ah kuwo tiro badan, kuwaas oo ku shaqaynayey Guri Hargeysa ku yaalla oo Madaxtooyadu u kiraysay oo ay hawshu ka socotay muddo dhawr bilood ah.

Waxa kale oo iyaduna xusid mudan in Barmaamujyadaas baahintooda lagu siiyey Kharash baaxadle Telefeshinnada madax-bannaan ee ku hadla Afka Soomaaliga iyo Telefeshinka Qaranka Somaliland, Halka aan Warbaahinta kale ee tirada badan ee Wargeysyada iyo Website-yada midna laga qaybgelin Baahinta Barnaamijkaas wax-qabadka Xukuumadda ee Lacagta badan lagu bixiyey, balse hadda Wararku sheegayaan in Hawl-wadeennadii diyaarinayey qaybtiisii dambe Madax-furashada u haystaan, halka ay jiraan warar tilmaamaya in Lacagta la musuqay, waloow aan weli warar rasmi ahi ka soo bixin Guddiga hawsha Maamulayey.

Xigasho Wargeyska Ogaal.